Turkiga oo sheegay inuu balaayiin fuusto oo gaas dabiici ah ka helay Badda Madoow

0

(Ankara) 21 Agoosto 2020 – Turkey ayaa fuliyey sahankii ugu ballaarnaa oo uu gaas dabiici ah uga raadinayo Badda Madoow oo uu haatan ka helay gaas dhan 320 bilyan oo mitir oo 3 jibbaaran, sida uu sheegay MW Tayyip Erdoğan oo shalay sii ballan qaaday inuu hayo “khabar san” oo waa cusub u bariinaya Turkiga.

Gaaskan oo laga helay aagga Tuna-1 ee Badda Black Sea ayuu Erdoğan sheegay inay “wax yar uun ka tahay khayraad ka ballaaran oo halkaa ku jira,” kaasoo ay sahmintiisa sii wadayaan.

Baaristan ayaa waxaa 25 kii Juun u shiraacday markabka Fetih oo baroosinka ka goostay magaalada Trabzon ee woqooyiga Turkey. Waxaa markabkan loogu magac daray ninkii dhulka badan furtay ee Cusmaaniyiinta ee Suldaan Fatih Sultan Mehmet.

Waxaase howshan bilaabay markabka shidaalka sahmiya ee Barbaros Hayrettin Paşa, kaasoo sheegay inuu gaas badan oo dabiici ihi uu ceegaago xirmada Danube ee biyaha Turkiga ee galbeedka Badda Madow aagaasoo ay muddaba gaas iyo saliid kasoo saarayeen Romania iyo Bulgaria.

Hadalsame Media