Ma jiraa abaal ay beesha caalamku ku leedahay dalka Somalia? (Faallo kooban)

0

(Hadalsame) 21 Agoosto 2020 – Dunidu Soomaalida abaal aan la gudi karin bay ku leedahay waayo dhexdeeda waa ay ka la badbaadisaa, naftooda waa ay badbaadisaa, dalkoodana waa ay ka badbaadisaa.

Haddii aan hubkii ay isku gumaadayeen cunaqabatayn la ga saari lahayn, oo aan dagaal oogayaasha dhiigga bartay ee gobol walba jooga sida bahalaha meelo la gu xarayn lahayn oo mushahar loo qori lahayn, oo aan qolada qolo kale ku duusha in irsaaqadda la ga goynayo loo gu hanjabi lahayn, oo aan maatada gaajada, harraadka iyo cudurrada qabtaa hay’adaha samafalka u baryi lahayn sida Ilaahay loo baryo.

Oo kolkii ay is barakiciyeen aan qamadi la gu siin lahayn xeryaha silica ee Dulcad, Xarshin, Harta Sheekh, Kaam Abbokor, Utaange, Ifo, Kaakuma, Dhadhaab, Dhagaxley Xagardheer, Madiinatul-Shacab, al-Kowd, al-Jaxiim iyo al-Kharas, oo aan boqollaal kun oo kale dunida Galbeedka la gu qaabbili lahayn, ama aan abaartii halaagga ahayd ee gobolka Baay ka dhacday loo gurman lahayn oo diyaarado samada cunto u ga soo daadin lahayn, maanta maxaa Soomaalida ka noolaan lahaa?

Dunidu Soomaalida waa ay ka la badbaadisaa, naftooda waa ay badbaadisaa, dalkoodana waa ay ka badbaadisaa, waayo ma aha qaangaadh dawlad noqon kara oo wada noolaan kara dalkoodana sida bani aadanka u gu dhaqmi kara.

Maanta ayaana loo soo diray canaantii u gu dambaysay ee la gu badbaadinayay.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media