Xafiisyadii Wasaaradaha Maaliyada, Dekedaha iyo Furdada ee Dekedda Boosaaso oo korontadii laga goostay kaddib markii….

0

(Boosaaso) 19 Agoosto 2020 – Xarunta laga maamulo howl-maalmeedyada Dekeda magaalada Boosaaso oo ay sidoo kale sal dhigtaan xaafiisyada Wasaaraddaha Maaliyada, Dekedaha iyo Furdada ayaa haatan mugdi ah kaddib markii korontadii laga goostay.

Xafiisyadan oo ay korontada siin jireen sharikaadka gaarka ah ee dab dhalinta ayaa iska bixin waayey lacagihii lagu lahaa oo isku gaarey 45000 oo doollar oo qaan ah.

Weriye Faarax Galan oo ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa xaqiijiyey in markii korontada la jartay si KMG ah loo shiday matoorro yar yar oo dhismaha yaalley, kuwaasoo iyaguna dayactir la’aan AC-yadii ka gubtey.

Waxaa haatan taagan guud ahaanba howlihii socdey, waxaana soconaya dadaallo lagu doonayo in adeegyadii socdey lagu soo celiyo.

Maamullada ka jira guud ahaan dalka ayaan wax mas’uuliyad ah iska saarin adeegyada bulshada, iyadoo ay arrintani muujinayso in ay mas’uuliyad darradu xitaa ka muuqato xafiisyadii ay ku shaqaynayeen.

Hadalsame Media

Facebook Comments