Taliyihii Saldhigga C/Casiis oo shaqadii laga joojiyey (Askartii ilaalada koontoroolka oo loo xirey weerarkii Elite Hotel)

0

(Muqdisho) 19 Agoosto 2020 – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Weerarkii Elite shaqada uga joojiyay Taliyihii Saldhigga Degmada C/Casiis, iyadoo loo xiray askartii ilaalada Baraha Kantorool, sida ay faafisay SONNA.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u xaqiijiyay in shaqadii laga joojiyay taliyihii saldhigga degmada C/Casiis,islamarkaana xabsiga loo taxaabay askartii ilaalinaysay baraha Kantrool sababo la xiriira weerarkii ka dhacay Elite Hotel.

Waxaa soconaya baaritaan ku aadan weerarkaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray shacab iyo dad mas’uuliyiin ah.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa la faray sidii loo xoojin lahaa sugidda ammaanka caasimadda.

Kooxda Alshabaab ayaa weerar qarax uu ku bilowday ka geysatay Liido 15-kii Bishan,wixii xiligaasi ka dambeeyay waxaa go’aankaasi uu ka soo baxay Taliska Booliiska,iyadoo ay qayb ka tahay isla xisaabtanka hay’adaha ammaanka dowladda.

Hadalsame Media