Sirta ka dambaysa Taliska Maraykanka ee AFRICOM (Maqaal xog warran ah)

0

(Hadalsame) 19 Agoosto 2020 – Kaddib dhamaadkii dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyey awoodaha is diidanaa ee dunida, waa USA iyo USSR ama NATO IYO WARSO, qaarada Africa ayaa wajahaysay faragalin kaga imaanaysa awoodahaas si  gaar ah wadamada la isku yiraa Horn of Arica oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Dawladahan ayaa dawlada Maraykanka  ka helayey kaalmo milatari iyo mid horumarineed , laakiin nasiibdarada ugu weyn ee Soomaaliya haleeshay waa iyada oo dawladnimadeedii ay burburtay sannadii 1991-dii.

Sidaa si lamid ah waxaa meesha ka baxay nidaamkii milatariga ahaa ee dargigii Migistu Xayle Maryem 21 May 1991 ka did markii uu waayey taageeradii milatari ee uu ka heli jiray dalka Ruushka , sidoo kale Eriteriya ayaa hashay ismaamul madax banaan isla bishii 29 May 1991, laakiin inay meesha kabaxdo faragalintii lagu hayey wadamadaas ( Greater Horn ) masii socon waqti dheer.

Isla waqtigii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa waxaa soo if baxay nooc kale oo faragalineed oo leh qaabab iyo ujeedooyin kaladuwan.

Aan ku hormarno Dano jograafiyeedka iyo dawrka Cusub ee Shiinaha.

Isbadaladii waaweynaa ee dunida ka bilaabmay wixii ka dambeeyey burburkii Ruushka waxay soo ifbaxay mawjado faragalineed oo laga dareemay mandiqada geeska Africa una dhexeeyey Shiinaha iyo quwadihii reer Galbeedka  ujeedka ugu weyna uu ahaa sidii gacanta loogu dhigi lahaa loona kontrooli ahaa ilaha dhaqaale iyo macaadinta cayriinta ee dhex ceegaagta mandiqada ( Access and Control ).

Labada awoodood waxay iskuhawleen sida uu u dhigay qoraaga Chue ( 2007) waxa loo yaqaan dagaal siyaasadeed ( Political warfare) oo ku wajahan qaarada Africa si gaara mandiqada geeska Africa ujeedkuna ahaa sidii ugu miro dhalin lahaayeen waxa ay ugu yeereen (National objectives) ujeedooyin qaran.

Taasoo ku qasbaysay wadamada awooda leh ee hirtanku ka dhexeeyey kuna tartamayey sidii ay u qabsan lahaayeeen qayraadka wadamadan inay siiyaan kaalmo dhaqaale iyo mid horumarineed oo isugu jirta qalabayn milatari iyo tababaristooda iyo sidoo kale xoojinta ciidamada amniga ( security forces )ee wadamada Africa .

Laakiin dawlada Shiinaha ayaa iyadu xooga saartay waxa ay ugu yeertay Hirgalinta Dhaqaalaha Africa ( Economic engagement in Africa ) si gaara Greater  Horn region ,waxayna si weyn u kordhisay maalgalinta ay ka wado ama ay ku samaynayo ilahooda dhaqaale , tusaale ahaan Shiinuhu wuxuu kor u qaaday dhaqaalaha uu ku maalgalinayo dunida oo Africa ka helaysay sanadkii 2007, boqolkiiba 3 wuxuu gaarsiiyey 14 boqolkiiba, 2010, sidoo kale  2011 shiinuhu wuxuu qodista macaadinta Africa ku maalgaliyey aduun gaaraya $16 Billion.

Isla sanadkii 2011 wuxuu sii laba jibaaray maalgashigaas dhaqaale isagoo gaarsiiyey $165 Billion, hawlahaas uu Shiinuhu kawado mandiqada ee dardarta wadata ayaa aad uga yaabisayoo kicisay dareenka  maraykanka iyo wadamada reer galbeedka maadaama ay iyagu ahaayeen wadamada sida weyn xiriir ganacsi iyo mid maalagshiba lalahaa wadamada geeska Africa oo ay ugu horeeyaan Sudan, Itoobiya iyo Kenya.

Inkastoo ay wali shirkadaha reer galbeedku ay yihiin kuwo weli ka hawlgala mandiqada ayna u  xirnanyihiin ilaha macaadinta ee wadamadan, welwelkaas waxaa sigaara u iftiimisay Hillary Clinton oo ahayd xoghayihii arimaha dibada ee Maraykanka kuna tilmaantay hawlaha maalgashi ee Shiinuhu ka wado Africa mid leh muuqaal gumaysi, iyadoo tiri waqtigii gumaystaha waxaa sahal ahayd inaad qabsato Afirica, qaadatid khayraadkeeda dabiiciga ah, laaluushtid hogaamiyaashooda iskana baxdid adoon waxba uga tagin dadkii dhuka lahaa , sidaas awgeed marnaba ma aqbalyno inaan markale aragno dhaqankaas leh sifada  gumaysi cusub.

La soco qayb kale….

Waxa Qoray: Axmed Cabdi Xassan (Suudaan)

Qunsulkii guud ee hore ee Caden, Yemen

Ahna la Taliyaha arimaha Carabta ee

Wasaarada Arimaha dibedda & Iskaashiga Caalamiga

Hadalsame Media