Shirka Dhuusamareeb 3 oo ku NUXUR beelay hal kelmad oo uu yiri MW Farmaajo & 3 kurbo oo ka dhashay

0

(Dhuusamareeb) 19 Agoosto 2020 – Waxaa weli caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ka soconaya Shirka Dhuusamareeb 3 oo aan weli dhamays ahayn, maadaama ay ka maqan yihiin xubno badan oo halkaa joogey wejiyadii 1-aad iyo 2-aad.

Hadalsame Media ayaa fahamsan in sababta ay dhinacyada qaar shirka uga caga taallaynayaan ay salka ku hayso tibix kasoo baxday afka MW Farmaajo mar uu Baarlamanka u khudbaynayey, kahor intii aanu u duulin dhanka Dhuusamareeb.

Marka laga soo tago tuuristii Xukuumadda oo awal ahayd jugtii ugu waynayd ee shirka ku dhacday, waxaa kalsooni soo celin ay ahayd in la isku dayo afka ciidda u daray haddii ahaa ”in wixii lagu gaaro Dhuusamareeb lagu soo celinayo Baarlamanka.”

Kelmaddan ayay dad badani ku micneeyeen siyaasad xumo ka dhacday Madaxwaynaha, waayo xitaa haddii uu sidaa damacsanaa ma haboonayn daruurina ma ahayn in uu sii sheego.

DHAWAQAN MAXAA KA DHASHAY?

1 – Dadku kuma kalsoona. Ma jiro Baarlaman ay shacab doorteen, ku kalsoon yihiin, amaba lagu bartay inuu dan umadeed ka shaqeeyo, iyadoo ay dad badani aad usii neceen marka la eego xilliga ay rideen, sharci darrada ay ku rideen iyo qaabkii ay u rideen xukuumaddii ugu dambeeysey iyo weliba sababta ugu wayn ee ka dambaysa oo inay muddo kororsi helaan, taasoo aan ka tarjumayn dan umadeed.

2 – Dalku ma aha mid hal gacan ku jira, marka waxay kelmadda Madaxwaynuhu meesha ka saaraysaa waaqiga jira ee ah in lagu khasban yahay in wax la isu jiid jiido inta laga gaarayo dowlad buuxda oo dalka wada xukunta iyo Baarlaman la doortay oo dux iyo iimaan leh.

3 – Waxay kelmaddani kicisay shaki ku saabsan inay markale dhici doonaan ballan ka baxyadii dhacday kaddib dhamaadkii Dhuusamareeb 2, maadaama uu MW af cad ku sheegayo inuu aadayo shir uu go’aankiisa shuruud kusii xirey.

Si kastaba, Shirka Dhuusamareeb 3 ayaa haatan ku jira jahawareer la macmalay iyadoo ay meesha ka muuqanayso mas’uuliyad darro wayn haddii sidani tahay qaab lasii qorsheeyey in wax lagu wado.

Hadalsame Media