Akhri 3 arrimood oo sababay in xilligan lagu kala maqnaado Shirka Dhuusamareeb 3

0

(Dhuusamareeb) 19 Agoosto 2020 – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug waxaa ka furmay shirka wadatashiga Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, laakiin waxaa ka maqan madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, sida lagu qoray warbixin ay qortay BBC Somali.

Ujeeddada ugu weyn ee shirkan ayaa ah sidii dhinacyadu ay isugu waafaqi lahaayeen habka ay u dhaceyso doorashada Soomaaliya ee 2021-ka.

Labo shir oo hore ayaa ka qabsoomay Dhuusamareeb, waxaana shirkan saddexaad laga dhowrayay natiijo muhiim ah.

Arrimo dhowr ah ayaa loo aaneynayaa inay sabab u yihiin khilaafka hareeyay shirka saddexaad ee Dhuusamareeb, oo ah mid horay loogu ballansanaa in la isugu soo laabto.

Xukuumaddii la riday

Ra'iisul Wasaarihii xukuumaddiisa la riday ayaa goob joog ka ahaa shirkii Dhuusamareeb ee bishii lasoo dhaafay qabsoomay
Ra’iisul Wasaarihii xukuumaddiisa la riday ayaa goob joog ka ahaa shirkii Dhuusamareeb ee bishii lasoo dhaafay qabsoomay

Mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee saldhigga u ah ismaan-dhaafka hareeyay shirka Dhuusamareeb ayaa lagu tilmaamay go’aankii meesha looga saaray xukuumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa Xasan Cali Kheyrre, taasoo lasoo billaabatay hannaanka shirka wadatashiga.

Baarlamaanka Federaalka ayaa codka kalsoonida kala noqday xukuumadda, islamarkii uu soo dhammaaday shirkii labaad ee ka qabsoomay Magaalada Dhuusamareeb.

War-saxaafadeed 16-kii bishan ay soo saartay Puntland ayaa u muuqday mid ay ku qaaddaceen wajiga saddexaad ee Shirka Dhuusamareeb, oo furmay.

“Dowladda Puntland waxay soo jeedineysaa in qabsoomidda shirka Dhuusamareeb 3 ay ka horreyso hubinta in lagu gaadhayo heshiis saldhig leh, sidaas darteed Dowladda Puntland waxay ku baaqeysaa in shirku noqdo mid ka qeyb galkiisa ay u dhan yihiin madaxda dowladda federaalka ah, dowladaha xubnaha ka ah iyo diblomaasiyiinta beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland.

‘Hirgalin la’aanta qodobbadii lagu heshiiyay’

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa mowqifkaas la qaba Puntland, wuxuuna sheegay in wajigii labaad ee shirka Dhuusamareeb la qaaday tallaabooyin “dib u dhac sababay”.

Waxaa kale oo ay mas’uuliyiinta Jubbaland qoonsadeen burburinta xukuumaddii federaalka.

“Waxaa xusid mudan, in shirkii dhuusamareeb 2 ka dib uu hogaanka dowladda Federalka ah qaaday tallaabooyin aan u adeegayn hirgalinta wixii lagu heshiiyay, caqabadna ku ah shirkii loo ballansanaa ee dhuusamareeb 3, isla markaana dib u soo abuuray kalsooni darradii iyo walwalkii laga qabay mustaqbalka dalka. Arrimahaas waxaa ka mid ah: in meesha laga saaray xukuumaddii hogaamin lahayd arrimaha doorashada ayadoo aan mid kalana la magacaabin,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland.

‘Ku xad gudubka matalaadda Aqalka Sare’

Guddoonka golaha Shacabka
Guddoonka golaha Shacabka

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo ifbaxay warar sheegaya in guddoonka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu ka cadhooday hadal uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka horjeediyay golaha Shacabka, kaasoo uu ku sheegay “in iyagu ay dalka matalaan”.

War-saxaafadeedka maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale lagu xusay arrintaas, waxayna u muuqataa in qodobkaas uu qeyb ka yahay sababaha keenay in madaxda dowlad goboleedyada qaar ay tagi waayaan Shirka Dhuusamareeb 3.

“Arrimaha dib u abuuray kalsoonidarrada waxaa ka mid ah: Ku xadgudubka matalaadda aqalka sare ee baarlamaanka DFS sida ku xusan qodobka 61aad faqradiisa 3 iyo qodobka 71aad ee dastuurka KMG”, odhaahdaas ayaa ku jirtay bayaanka kasoo baxay hoggaanka Jubbaland.

Baaqa Ururrada Bulshada Rayidka

Shirka Dhuusamareeb 3, oo uu daah furay madaxweynaha maamul goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), ayaa loo arkaa mid aan laa dhammeyn.

War ay maanta soo saareen Isu tagga Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa lagu soo jeediyay baaq iyo talooyin dhowr ah.

“Bulshada Rayidka Soomaaliyeed iyo aqoonyahanno uololeeyanabadda, xuquuqul-insaanka iyo dimuqraadiyadda, oo ka kala socda dhammaan maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir, waxayka digeyaan dib u dhac ku yimaado shirka Dhusamareb 3oo ah shir muhiimu ah go’aan ka gaarista doorashooyinka la filaayo in dalka ka dhacaan 2020/21”

Ururrada bulshada rayidka ah ee midoobay ayaa sidoo kale soo jeediyay baaqyo ku wajahan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada labadaba, waxayna talooyinkaas ahaayeen:

  • In la ilaaliyo arimihii lagu heshiiyay Dhusamareeb 2
  • In shirka laga wada qayb galo isla markaasnaxil layskasaaro in uusan marna dib u dhicin qabsoomidiisa laguna hishiiyo.
  • In madaxwaynuhu uu qaato door odaytinimoiyo ururin dhamaan dhinacyada.
  • In shirkala joojiyolana furomarka dhinacyada oo dhami yimaadaan.
  • Bulshada rayidkaiyagoo tixgelinaayo cabashada madaxda Puntland iyoJubbaland ee ku aadan waxyaabihii dhacey shirka Dhusamareeb2 ka dib ayey hadane ugu baaqayansa in madaxda Puntland iyo Jubbaland ka soo qayb galaan shirka iyagoo tixgelinaayo daruufaha adag eedalka kujiro iyo mas’uuliyada ka saran xal u helida qilaafka siyaasadeed ee hadda taagan.
  • In la dhiso Xukuumadii fulin lahayd waxa lagu heshiiyo,si isla xisaabtan uyimaado.

‘Waan sugeynaa madaxda ka dhiman shirka’

Madaxweynaha Galmudug, Qoor Qoor (midig) iyo madaxweynaha Hirshabeelle, Waare (bidix)
Madaxweynaha Galmudug, Qoor Qoor (midig) iyo madaxweynaha Hirshabeelle, Waare (bidix)

Madaxweyne Qoor-qoor oo xalay ka hadlay Dhuusa Mareeb ayaa sheegay in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee ka maqan shirka ay ku han weyn yihiin iney ku soo biiraan kulanka ka socda Dhuusamareeb.

Qoor-qoor ayaa sheegay in wixii jira madasha lagu dhammeyn karo, balse farriimo hawada la iisu mariyo aysan xal u noqoneyn xaaladda dalka Soomaaliya uu haatan ku sugan yahay.

“Walalayaal waa idin sugeynaa, noo imaada, shirka inaa ka soo qeyb gashaan ayaa rajeynayaa, ayna tixgeliyaan oo ay qadariyaan gogosha reer Galmudug”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Shirka Dhuusamareeb 3 ma miro dhali karaa?

Madaxda ku sugan Shirka Dhuusamareeb 3
Madaxda ku sugan Shirka Dhuusamareeb 3

Dr Max’ed Axmed Shekh Cali oo ka faallooda arrimaha siyaasadda oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay “inuusan u maleynaynayn in qolyaha Dhuusamareeb joogo ay rajo ka qabaan in haddii aysan shirka ka soo qeyb gelin hogaamiyeyaasha Punland iyo Jubaland ay wax miradhal ah ka soo baxaan shirka.”

“Anigoo ka duulaya hadalka madaxweyne Qoor-Qoor, weli waxaa muuqata rajo ah in madaxda labada maamul goboleed ay ka soo qeyb galaan shirka ayna weli furantahay gogosha.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Hadallada kasoo baxay Puntland iyo Jubbaland waxaa lagu macneyn karaa iney jirto kalsooni darro ay ku qabaan madaxweynaha, sababtoo ah kaddib markii laga laabtay shirkii Dhuusamareeb 2 waxaa dhacay falal ay ka mid ahaayeen in raysal wasaarihii la riday, waxaa dhacday in guddigii farsamada ee lagu ballansanaa inay Dhuusamareeb ku shiraan aysan ku shirin.”

Furitaankii Shirka Dhuusamareeb, oo uu goob joog ka ahaa madaxweyne Farmaajo, waxaa kale oo ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

X