”Sucuudiga ayay dan u tahay inuu la heshiiyo Israel” – Aqalka Cad oo si jees jees ah ula hadlay nidaamka Riyaad

0

(Washington, DC) 18 Agoosto 2020 – Wiilka uu sodoga u yahay MW Maraykanka ee Jared Kushner oo la taliye sare ka ah Aqalka Cad ayaa si jees jees ah u sheegay inay danta dhaqaale ee Sucuudigu ku jirto inuu xiriir la yeesho Israel.

Ninkan oo warfidiyeenka la hadlayey ayaa Boqortooyada ku tirtirsiiyey inuu soo raacdo raadka Imaaraadka, isagoo ku qiil sameystay in caadiyaynta xiriirka Israel uu sidoo kale daciifinayo saamaynta Iiraan isla markaana uu “caawinayo Falastiiniyiinta”.

“Aad bay ugu fiican tahay ganacsiga Sucuudiga, waxay aad ugu fiican tahay gaashaandhigga Sucuudiga, haddii aan si saraaxi ah u hadlana, waxay xitaa u fiican tahay dadka Falastiin,” ayuu ku dooday Kushner.

Israel iyo Imaaraadka ayaa Khamiistii gaarey heshiis ay ku samaysanayaan xiriir rasmi ah, kaasoo ay reer Falastiin iyo dalal badan oo Islaam ihi ku tilmaameen mid hal dhinac u danaynaya iyo “qaddiyadda Falastiin oo dhabarka laga midieeyey”.

Labada dhinac ayaa si hal haleel ah durba u bilaabay xiriirro cusub, iyadoo la fahsam yahay inay muddo dheerba si qarsoodi ah xiriir u lahaayeen balse ay qarinayeen.

Madaxda Khaliijka ayaa wax kasta ka fiirinaya hal arrin oo qura, taasoo ah sidii ay kursiga ku haysan lahaayeen, taasoo aad u gumaysey dadka gobolkaa ku dhaqan ee ay dusha uga fadhiyaan.

Hadalsame Media