”Min Falluuja & Xalab ilaa Beyruut… Waxaan wada nahay carruurtii Hiroshima” – Maqaal murugo badan

0

(Hadalsame) 18 Agoosto 2020 – Khamiistii Agoosto 6, waxaan isu diyaarinayney xusuusta 75 guuradii kasoo wareegtey 75-aad ee qumbula durriyadii  Hiroshima iyo Nagasaki.

Balse Talaadadii, waxay dunidu la argagaxday naxdin taas ka ag dhow kaddib qaraxii Beyruut, taasoo isku qastay tagtadii tumaatida badnayd iyo joogtadan jugta culus sidata.

Gubashada magaalooyinka Carbeed iyo kuwa Muslimku waxay u muuqanayeen sida daruuraha, iyaga oo ka tegayey mayd burburkaa ku jira oo ay inta nooli qaadayso waajibka ah inay meesha ka bixiyaan.

Beyruut oo magaalo qurxoon ahayd waxay mar qura isu bedeshey magaalo musiibaysan; magaalo uu qof kastaahi sheeganayo, balse uu yar yahay qof siiya qiimaynta ay u qalanto.

Min Ciraaq, Yaman, Suuriya ilaa Libya, burburku waa isku mid, dadkuna ma garan karaan guryihii ay ku dhasheen iyo kuwa ay iyagu dhiseen. Dhismayaashu dhinac ayay ka taagan yihiin, dhinacna waa ka dheceen iyaga oo aan dariishado iyo albaabo lahayn.

Waxay isu bedeleen dudumo iyo hambo ka hartay xoogga qarax kiimikaad, bambo, gantaal iyo weerar cireed lagu holmiyey kumannaan tan oo xabado ah. Imisa Hiroshima ayaan maraynaa?

Suuriya, Hiroshima waxaa lagu arki karaa 13 magaalo. Duqaynta Xalab (Aleppo) waxaa ku bas beelay 36,000 oo guri. magaalada Xoms, 13,778 oo dhisme, Al-Raqqa 12,781, Hama 6,405, deeto Deir Ez-Zor 6,405, waxaa dheer 5,489 oo ah xerada Yarmouk (UNITAR 18 Maarso 2019).

Guri kasta, waxaa ku dhintay ugu yaraan qoysas badan, qaar kale waxay u qaxeen dalal qaxootiga ku daraya liiska dadka ay sahlan tahay in laga faa’iidaysto oo duruufta lagu cuno. Qoysas badan oo Suuriyaan ah ayaa gabdhohoodii da’da yaraa daymo iskaga dhiibey.

Qaraxii ka dhacay Beyruut wuxuu dadka xusuusiyey Hiroshima. Adeegsiga Uranium isku-godyadeeda la macmalay iyo Fusfurka Cad ee Falluujah waxay lafteedu soo celisey xusuustii Hiroshima.

Maalin kasta waxaan aragnaa qaar ka mid ah dadkii Beyruut ku dhaawacmay oo dhimanaya, Falluuja waxaa ka jira dhalan rogan ku dhacay carruurii dhalanaysey, halka ay waalidkii hooyo iyo aabbe kansar intii hore ka badan u dhimanayaan.

Haraadiga hubkii uu Maraykanku halkaa ku hafiyey waxaa uu si aamusan u dilayaa carruurta Falluuja. Dilaaga waa la yaqaannaa balse cadaaladdu waa indha la’dahay.

Mufakirka Maraykanka ah ee Noam Chomsky ayaa yiri: “Hagaag, Falluuja, Maraykanku ma bixin haweenkii iyo carruurtii, wuu bam gareeyey uun. Waxaa jirtey bil dhan oo la duqaynayey magaalada. Haddii ay bixi karaan waa qixi lahaayeen. Rag baa gaar loo soocay mana naqaan wixii ku dhacay. Halkaa waxaa ka dhacday waxyeello uusan xitaa xisaabi karin midkii ka dambeeyey [Maraykanka].”

La soco qayb kale…

Waxaa Qoray: Al-Quds Al-Arabi

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji