Dadwaynaha oo mowqif la yaab leh ka qaatay shirkii jaraa’id ee Qoor-qoor

0

(Hadalsame) 18 Agoosto 2020 – Waxaa xalay shir jaraa’id magaalada Dhuusamareeb ku qabtay MW Galmudug, Md Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, kaasoo ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku wareegaalaysanaya sidii looga mira dhalin lahaa Shirka Dhuusamareeb 3.

Wuxuu sidoo kale madaxda Puntland iyo Jubbaland ugu baaqay inay madasha yimaadaan. ”Lama joogo xilligii aannu warar hawada isu marin lahayn.” ayuu yiri Md Qoor-Qoor.

Dadwaynaha ayaa arrintan baraha bulshada uga fal-celiyey iyaga oo sheegay in aan loo baahnayn inuu Md Qoor-Qoor ciyaaro door uu leeyahay MW Farmaajo oo ah ninka uu ku socdo warka maamullada Puntland iyo Jubbaland.

”Md Qoor-Qoor waxaa adeegsanaysa Madaxtooyada,” ayuu u dhacayey jawaabaha qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada, iyaga oo Madaxtooyada u sheegay in iyada looga baahan yahay inay u howlgasho wixii aan hureeynin oo la xiriirto maamullada maqan.

Shirka Dhuusamareeb 3 ayaan weli si saaxi ah u dhaqaaqin waloow la sheegay in woxoogaa horumar ah laga sameeyey qoraallo qabyo ah oo kasoo baxay Guddiga Farsamada ee la saaray, balse wax kastaahi waa qabyo inta ay qaar maqan yihiin oo uu khilaaf jiro.

Hadalsame Media

Facebook Comments