Arrin muujinaysa inuusan dhici karin qaraxa Elite Hotel haddii aan la FUDUDAYN (Sababta oo sharraxan)

0

(Muqdisho) 18 Agoosto 2020 – Waxaa xogo cusubi kasoo baxayaan aragtiyo khibrad maalmeed ku dhisan oo laga bixinayo sida ay ku dhici karto in la weeraro meel ay ku xeeran yihiin waddooyin wada xiran oo ay ciidamo joogaan, kuwaasoo qofka caadiga ah celiya mararka qaar.

Waxaa laga hadlayaa weerarkii lagu qaatay Elite Hotel oo ka mid ah dhismayaasha ku dhereran xeebta Muqdisho, taasoo ay weerar ka gaysatey kooxda Al-Shabaab oo halkaa ku dishey dad rayid ah oo aan waxba galabsanin.

Dadka ra’yigooda ka dhiibtey waxaa ka mid ah Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka mid ahaa raggii bilowgii xiriirka la lahaa kooxda Shabaabka, kaasoo waraysi uu siiyey idaacadda Shabeelle ku sheegay inuu rumaysan yahay in weerarkan la fududeeyey isagoo soo qaatay sabab maangal ah.

Indha Cadde ayaa iftiimiyey in goobaha u dhow hoteelka aad loo ilaaliyo oo ay joogaan ciidamo awood u leh inay baaraan gaari kasta oo u gudbaya dhinaca hoteelka, iyadoo qof kasta la waydiiyo aqoonsi iwm.

”Gaarigaa waa loo fududeeyey in uu meesha tago welibana waa lala shaqeeyey. Si kale oo ay ku dhici karto maleh,” ayuu yiri Indha Cadde.

”Aniga baabuur Cabdi Bile ah oo Dhashiike saaran yahay ayaan la socdaa baabuurkeyga ciidan ayaa saaran waa la i celiyaa, waana la i baaraa oo ID Card ayaa la i weydiiyaa, marka si kale kuma tegi karo gaarigaas in loo fududeeyey oo kaliya ayuu ku tegey hotelkaas.’’ ayuu daba dhigay Jeneraalku.

Dad goobjoog ah oo nolol maalmeedka haatan ee Muqdisho aqoon u leh ayaa Hadalsame Media u sheegay hab-dhaqanka liita, hab-raac aanay xirfadda iyo ka fikiridda nafta insaanku ka muuqan ee ay muujiyaan Ciidamada u xil saaran inay amaanka sugaan.

Tusaale, waxaa la xaqiijiyey in askarta taagan ama illaalisa koontaroollada laga galo Liido iyo meelaha kale ay qofkii Bajaaj wata ka qaataan lacag dhan hal doollar, kaddibna uu iska gelayo meesha.

Qofkii baabuur wata ayaa isna la sheegay inuu in yar uun ku biirinayo lacagta ay Bajaajtu ku gudubto. ”Sidii aroos ayaaba laguu gelbinayaa oo meeshii aad doonto laguu gaynayaa.” ayuu yiri qof xog ogaal ah.

Waxaa intaa dheer, in xitaa la ogol yahay gorgortan oo qofkii cabaada oo sheega inuu nus doollar oo qura haysto laftiisa waa la sii daynayaa. Adigu kaliya iska jir inaadan waxba dhiibin oo aad gacmo maran lasoo istaagto.

”Inta badan Ciidamada ka howlgala Baraha Koontaroolladu waa noocaas, taasoo ay waliba farsamooyinka siyaasadeed kuu dheer yihiin.” ayuu yiri nin magaciisa kusoo koobay Maxamed.

Waxaa halkaa ka muuqata in aanu jirin hannaan amaan oo qiyam iyo isla xisaabtan ku dhisan, iyadoo ay sidaa baylah ku tahay nafta iyo hantida umadda maalin kasta lala beegsado weerarro aan la fahmi karin sababta loola majeersanayo meelo uu mujtamacu ku badan yahay.

Waxaa intaa dheer hab-dhaqanka shacabka Muqdisho oo inay arrintan ka dhiidhiyaan ama diiradda saaraan ka door bida inay ka gaabsadaan oo xanuunka iskaga adkaystaan.

Hadalsame Media