“Aabbehey sidii aan uga badbaadi lahaa ayaan mar kasta ka fikiri jiray” – Victoria Derbyshire

0

(Hadalsame) 18 Agoosto 2020 – Markii aan soo korayay, waxaan xasuustaa anigoo jirka oo dhan uu i jiriiricoonayo xilli kasta oo aan maqlo inuu aabbahay albaabka iska soo furayo.

Tolow xaalad noocee ah ayuu ku jiri doonaa marka uu gudaha soo galo? Ma dood ayuu kicin doonaa? Taasina ma waxay horseedi doontaa inuu jug igu dhufto, ama suunkiisa igu garaaco ama xitaa uu qadaadka iga dharbaaxo?

Mararka qaar waxaan nasiib u yeelan jiray inaan uga baxsado guriga saaxiibtey oo ku yaallay meel aan naga fogeyn.

Maalinta xigtana, aabbahay wuxuu aadi jiray shaqada, anigana iskuulka ayaan sidaas kusii aadi jiray, sidaas ayuuna u socon jiray buuqa iyo qalalaasaha.

Jacaylka nolosheenna ay ku dhisneyd oo dhan wuxuu ka imaan jiray dhinaca hooyadey, taasoo wax walba oo uu aabbahay ku farxi karo u sameyn jirtay.

Warbixintan waxaa ku jira qoraallo ay akhristeyaasha qaarkood dhibsan karaan.

Victoria Derbyshire oo yar
Qoraalka sawirka, anigoo cunug yar ah oo ku nool Lancashire

Markii uu Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska nagu amray inaan dhammaanteen guryaha joogno, fayraska corona awgiis, mid ka mid ah waxyaabihii ugu horreeyay ee aan ka fikiray waxay ahayd xaaladda ay ku sugan yihiin dadka tacaddiyada loogu geysto guryaha qoysaskooda dhexdooda – dumarka, carruurta iyo ragga guryaha lagu soo xiray ee halkaas joogaya isbuucba isbuuca ka dambeeya. Maxaa ku dhici doona?

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa ku mashquulsanaa sidii aan wax uga ogaan lahaa xaqiiqooyinka ku saabsan qalalaasaha qoysaska dhexdooda ah iyo xilliga xayiraadda, waxaana ogaaday arrimo naxdin leh – waxaan xitaa la kulmay haween si geesinnimo leh uga baxsaday xaaladaha ugu adag.

Waxaan soo booqday goobaha gabbaadka looga dhigo dadka tacaddiyada lagu hayay kasoo carara. Waxaan wareystay dad la kulmay dhibaatooyin aysan waligood ku fikiri jirin.

Haweeney aan magaceeda ku soo koobeyno Jess* waxay la nooleyd seygeeda oo tacaddi weyn ku hayay muddo sannado badan ah. Intii ay isla joogeen wuxuu weerar u geystay dhowr jeer – inuu kala tuuri jiray, inuu ceejin jiray, inuu ku xukumi jiray dharka ay xiraneysay iyo sida ay timaheeda ka dhigan jirtay.

Waxay sheegtay inay fasax ka qaadan jirtay xitaa marka ay koob shaah ah soo shubaneyso iyo marka ay musqusha aadeyso.

Laakiin markii xayiraadda coronavirus lasoo rogay, tacaddiyadii waxay u gudbeen heer sidii hore kasii daran.

Markii uu Jess seygeeda maqlay in shacabka lagu amray inay guryahooda joogaan, isagoo xaaskiisa ku duraya ayuu yidhi, ‘Hadda ayey ciyaarta noo billaabaneysaa’.

Sheekada haweeneydan waxay ka mid tahay qisooyinkii ugu xanuunka badnaa ee aan maqlay.

Waxay ii sheegtay inuu kufsaday in ka badan boqol jeer. “Daahyada ayuu hoos u dajinayaa, TV-ga ayuu dheereynayaa, albaabka hore wuu xirayaa, muusig ayuuna kor u dheereynaa, si uusan qofna u maqlin qeyladeyda,” ayey tidhi iyadoo dib u xasuusaneysa waxa uu seygeeda ku sameyn jiray.

Labada lugood dhexdooda ayuu uga gubi jiray sigaarkiisa, ‘si uusan nin dambe u damcin’.

Barnaamijka BBC Panorama ayaa ogaaday sida uu sare ugu kacay tacaddiga qoysaska dhexdooda ah intii lagu guda jiray xayiraadda – waxyaabaha dhacay waxaa ka mid ah sumeyn iyo ceejin.

Dadka qaarkood, amarka xayiraadda wuxuu u ahaa mid kuwa tacaddiga ku haya ay ka faa’iideysanayeen.

Markii aan Jess waydiiyay waxa uu iyada uga dhignaa amarka xayiraadda, waxay si fudud ugu jawaabtay: “Dhimasho.”

Victoria Derbyshire oo gabadh yar ah
Qoraalka sawirka, aniga iskuulka ayaan uga nasan jiray dhibaatada aabbahay

Aniga markii aan 12 jir ahaa, waxaan xasuustaa inaan saldhigga booliska u ordi jiray kaddib markii uu aabbahay qolka jiifka kusoo xidho hooyadey, uuna billaabo inuu garaaco.

Waxaan ka baqi jiray inay gacantiisa ku dhimato.

Telefoonkeennii guriga wuu go’naa sababtoo ah ma uusan bixin jirin lacagta laga rabo – waana hab kale oo uu nooga xayiri jiray qoyska kale iyo saaxiibbada.

Si aad ah ayaan u ordi jiray, anigoo neef tuuraya ayaan saldhigga tagi jiray, kaddibna askariga halkaas jooga ayaan ka baryi jiray inuu hooyadey soo caawiyo.

Laakiin hadda xilliga xayiraadda lagu jiro, dadka tacaddiga lagu hayo qaarkood waxaaba dhib ku ah inay telefoon wacaan, iskaba daa inay booliska u cararaan. Sababtoo ah qofka tacaddiga ku haya ayaa guriga la jooga 24-ka saac iyo 7-da maalmood ee isbuucaba.

Victoria oo la sheekeysaneysa haweeney tacaddi lagu hayay
Qoraalka sawirka, Haween ayaa ii sheegay in Covid-19 qaab kale oo xukun ah loogu adeegsaday

Jess way ogeyd inay booliska uga baxsan karto seygeeda, laakiin ma aysan rabin inuu ku fahmo.

Mar uu kursiga fadhiga ku gam’ay ayey google ka raadisay ‘sida loola xidhiidho booliska iyadoo aan la wicin’, maadaama ay ka baqeysay inuu kaco haddii ay wicitaan sameyso.

Waxay heshay qaab farriin loogu diro booliska, sidaas ayeyna ugu jirtay tilmaamta gurigeeda.

Ciidankii ayaa yimid daqiiqado yar kaddib. Jess way ku khasbaneyd inay ka tagto gurigeeda, oo ay hesho meel ay ku badbaaddo.

BBC Panorama wuxuu helay sheekooyin badan oo ku saabsan tacaddiyo kala duwan oo la sameynayay dhowrkii bilood ee xayiraadda fayraska Corona.

Saddexdii isbuuc ee ugu horreysay xayiraadda, 11 haween ah, labo carruur ah iyo hal nin ayaa sida la sheegay lagu dilay tacaddiyada qoysaska gudahooda ah.

Mas’uuliyadda dhimashada dadkaa waxaa iska leh dadkii tacaddiga sameynayay, laakiin dadka noloshooda ma la badbaadin karay haddii ay dowladdu sameyn lahayd dadaal dheeri ah?

UK waxay hadda wajaheysaa sare u kac kale oo laga yaabo inuu sameeyo coronavirus, sidaasna mar kale xayiraad lagu soo rogi karo xilliga qaboobaha.

Aniga waalidiinteyda way kala tageen markii aan 16 jir ahaa, xilligaas ayaana noogu dambeysay tacaddi iyo qalalaase.

Xigasho: BBC Somalia

Hadalsame Media