Siyaasi iftiimiyey arrin uu ka faa’iidaystey MW Farmaajo & xujo laftiisa hadda hor taalla

0

(Gaalkacyo) 17 Agoosto 2020 – Siyaasiga Cali Xaaji Warsame ayaa iftiimiyey meel uu MW Farmaajo uga raayey siyaasiyiinta mucaaradka ku ah, gaar ahaan kuwa gobollada sida MW Puntland ee Siciid Deni.

”M/weyne Deni markuu yiri “Annaga & M/weyne Farmaajo waa naloo kala waramey” buu kaararkiisii siyaasadeed miiska wada saarey.” ayuu yiri Warsame.

”Hadalkaas M/weyne Farmaajo waa lacageystay, siyaasaduna saaxiib joogta ah ma leh,” ayuu raaciyey isagoo muujinaya in warka Deni uu kalsooni badan geliyey MW Farmaajo oo laakiin ku dhaqaaqay tillaabo aan u sahlanayn sidii loo maleeynayey.

”Kalsoonidii Dhusamareb 2 ka abuurantey wax soo celiya bay u baahan tahay.” ayuu se ku xujeeyey isla MW Farmaajo oo la dareensan yahay inuusan wejigii markii hore yaalley Shirka Dhuusamareeb sida yididiiladii iyo kalsoonidii aanu hadda jirin, sabab kastaaba ha ugu wacnaatee.

Hadalsame Media