”Wuxuu qabey waysadii casirka!” – Sida uu galabta halkaa ku tegey Cabdirisaaq & guud ahaan sida ay wax u dheceen

0

(Muqdisho) 16 Agoosto 2020 – Aniga waa nabad qabaa ,wax dhaawac ah oo i gaaray ma jirto, Ilaah ha u naxariisto saaxiibkeey Cabdirisaaq Cabdi Cabduallahi.

Ma aha wax qoraal kooban uu ku sifeyn karo qof goobjoog u ahaa dhacda xanuun iyo uurkutaalo badan oo ay. ku dhinteen dad aan waxba galabsan .

Saacaddu markii ay aheyd abaarihii 4tii oo rubuc la’ kadib salaadii casar ayaa waxaa i soo wacay C/risaaq Cabdi oo ah saaxiib aad iigu dhawaa oo inta badan galinka danbe iyo fiidkii aan wada joogno.

Wuxuu ii sheegay in Wasaaradda Warfaafinta oo Agaasime waaxeedyadeeda uu ka mid ahaa uu ka soo rawaxayo uuna doonayo inaan qaxwo u raadsanno Elite hotel. Wax yar kaddib waxa uu iga soo maray aqalkeyga isaga oo wata gaarigiisa.

Waan is raacnay sheeko Iyo is wareysi kadib waxaan gaarnay Elite Hotel,waxaa jira kursi aan aniga isaga ibo asxaab kale aan gaar u fariisano kaas oo ka muuqada sawirka koowaad.

C/risaaq waa nin aad u xiriiro badan intii yareyd ee aan fadhinay waxaa uu telefoon kula hadlay sadax ruux ,Wariye Feysal Muse oo Turkiga jooga, Agaasime Cabdiraxmaan Al Cadaala iyo Senator Ayuub Ismail, waxuu ii dhiibay Senator Ayuub oo aan telefoonka siyaasadda kula kaftmay, markii aan telefoonka dhigay qaxwihii aan dalbannayna aan naloo keenin ayaa mar kaliya waxaan korkeena ka aragmay holac sidii hilaaca oo kale ah, waxaana xigay jug dhagahu ay na awdmeen, qiiq iso uuro madow, intaa kuma ay ekaana waxaa is qabsaday rasaas dhinac walba ah .

Abdirizak korsigii dhexyiilay dabeyshaa qaraxaa la tagtay, kuraasteenii ayaa isku dhacday, waxaan xusuustaa inaan gacanta ka qabtay ayuu iska keey filgay, wuxuu u cararay dhankii laamiga ee xabadda xoogga badan ka socotay, in kastoo ay adkeyd in la kala garto halka rasaastu kaa xigto .

Nasiib darro saaxiibkeey C/risaaq waxaa haleeshay rasaas kaga dhacday wadanaha iyo lugta, dibadda ayuu u baxay isaga oo dhaawac daran ah, daqqiiqada kadibna wuu geeriyooday, Ilaahey naxariisto janno ha siiyo, weysadii uu salaadda casar ku tukuday ayuu qabay.

Aniga horey kama cararin ee waxaan husbaday sida ay wax u socdaan iyadoo wadnuhu sida durbaanku ii garaacayo. Waxaan gacanta ku qabsaday labadii telefoon ee aan watay waxaanan goostay inaan ka boodo gidaarka dhanka xeebta oo noo dhawaa, laakiin rasaasta ayaa meel walba ku dhaceysay.

Go’aan baan qaatay waxaan u booday dhanka badda funaanad. aan xirnaa oo cagaar aheyd ayaan iska bixiyay sababtoo ah midabada qaar sida casaanka iyo cagaarku dadka badan ee cararaya waa lagaa dhex toogan karaa .

Waxaan xeebta isku helnay odoyaal iyaguna baxsanaya oo uu ka mid ahaa Wasiirkii hore ee beeraha DKMG, Xildhibaan hore Caraale, ilaahna waa na badbaadiayay.

Waxaan isku dayay inaan nolol iyo geeri helo saaxiibkeey, waxaase la ii sheegay in dhaawac daran uu ahaa oo la qaaday. Waxaa la dhigay cisbitaalka Umma carar ayaan ku tagay Ummu hospital, laakiin waxaa la ii sheegay inuu u geeriyooday rasaastii haleeshay, waan aamini kari waayay ilaa aan meydka marxuumka indhaha saaro. Lugaha dhulka waa ku heyn waayay, ilin ayaa wajigeyga buuxisay ,walaalkey Abdirizak oo daqiiqada ka hor aan kaftmeynay hadda waa meyd.

Abdirizak waxuu ahaa nin cibaado badan ,maalin kasta oo Isniin iyo Khamiis wuu soomi jiray , qadartiisa ayaa meesha ku ekeyd ,dumaashi, hooyo qoyska dhamaan Ilaah samir iyo iimaan haka siiyo.

Qof kasta wuu dhimanayaa ,qadar baana loo dhintaa, Ilaahey intii dhimtay ha u naxariisto ,inta dhaawacanay Allaha Shaafiyo. Aamiin.

Ma jiro wax dhaawac ah oo i gaaray haba yaraadee, sawirka la wareejinayana waa mid hore .

Waxaa Qoray: Maxamed Ibrahim Macalimuu

Hadalsame Media