MW Farmaajo oo qoraal uu soo geliyey kaddib qaraxa la noqday kaddib markii aad loo mucaaraday + Sababta

0

(Muqdisho) 16 Agoosto 2020 – MW Farmaajo ayaa qoraal kooban oo uu ug hadlayo siyaasadda dalka soo dhigay bartiisa Facebook, balse wuu tiray in yar kaddib.

Dadwaynaha ayaa aad u dhaliilay qoraalkan oo lagu soo beegay jeer ay dad shacab ah iyo howlwadeenno dowladeed uu ka socdo Elite Hotel.

Dadwaynaha ayaa soo jeediyey inay gef tahay in xilli ay tacsiyi taallo siyaasad laga hadlo, iyagoo qoraalka ku tilmaamay mid “qalbi la’aan” muujinaya, sida ay qaarkood ku doodeen.

Madaxda DF Somalia ayaa badiyaa lagu dhaliilaa in aysan ka tacsiyadayn dhibaatooyinka gaara shacabka, iyada oo qaar ku dhow ay sheegeen inay u degsan tahay siyaasad ah in aan “wax kasta laga hadal”.

Hoos ka akhri qoraalka…

Hadalsame Media