HAB-RAAC XUMO & DAYAC AMAAN: Imisa khalad oo khatar ah ayuu sameeyey Wasiirka Waxbarashadu?

0

(Hadalsame) 16 Agoosto 2020 – Feejignaan la,aan – Madaxda doowlada iyo shaqaalahaba waxay u baahanyihiin tababar dhanka amaanka iyo feejignaanta la xiriira.

Inkastoo wixii rabi qoray aanay ku dhaafeyn hadana waxaa muuqanaya habacsanaan.

Wasiirka waxbarashada wuxuu saakay baraha bulshada dhigay sawiro isaga oo ku sugan gobalka Gedo oo ka mid ah meelaha shabaabku joogaan.

Wuxuu wataa taleefan smart ah oo lala socon karo meesha uu joogo ama marayo.

Shabaabku waxay dad badan ku leeyhihiin baraha bulshada oo ay ka helaan xog badan.

Shaqaalaha iyo madaxda qaramada midoobe ee soomaaliya marka ay safaro galayaan waxay adeegsadaan isgaarsiin gaar u ah mana gudbiyaan halka ay joogaan ilaa ay shaqadooda dhameystaan.

Hada wasiir goodax halis amaan ayuu galay maanta oo waxaa miino loo dhigay kolanyadii.

Qatarta kale oo ay isaga iyo dadkii la socday sameeyeen waxaa ka mid ah in ay sawirkaan idin muuqda qaadeen oo ay baahiyeen.

Shabaabku waxay sahal ku ogaan karaan marka ay sawirkaan eegaan tirada ciidanka iyo gaadiidka ay wataan.

Waxaa Qoray: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media