Musawacii boqol jirka ahaa ee Muqdisho oo dib loo shiday (Muxuu u tari doonaa maraakiibta?)

0

(Muqdisho) 15 Agoosto 2020 – Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Md Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa xariga ka jaray Musawac laga hir geliyay magaalada Muqdisho oo loogu tala galay in maraakiibtu ay si fudud ugu soo hirtaan dekadda Muqdisho.

”Musawaca oo iftiinkiisa xilliyada habeenkii ay meel fog ka arki karaan howl-wadeennada maraakiibta ayaa sahlaya inay gartaan masaafada dekaddu u jirto iyo inay si fudud ugu soo hirtaan,” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska RW.

Sii hayaha xilka Wasiirka Koowaad ee dalka ayaa caddeeyay in dib u furitaanka Musawaca oo 100 sano jirsaday ay qayb ka tahay horumarinta dekadaha gaar ahaan Dekadda Muqdisho oo ka mid ah isha dhaqaale ee dalka ee ay gacanta ku hayso DF Somalia.

”Xukuumadda ayaa dadaal xooggan gelisay dib-u-dhiska dalka, waxaana horay sidaan oo kale dib loogu soo celiyay edeegyo muhiim u ahaa dowladnimada iyo dib-u-kabashada dalka.” ayuu daba dhigay isagoo u mahad celiyey Wasiiradda Dekedaha DF.

Hadalsame Media