”Ma ogolin burcadnimo!” – Turkiga oo isaga oo Giriigga canaanaya Faransiiska ku dhega hadlay!

0

(Ankara) 15 Agoosto 2020 – Turkiga ayaa sheegay inuusan u hogan doonin cadaadiska caalamiga ah iyo “burcadnimada” ka socota Bariga Badda Dhexe, sida uu sheegay MW Recep Tayyip Erdogan, isagoo ballan qaaday inay sii wadayaan sahminta saliidda iyo gaaska ee ay halkaa ka wadaan.

Markabka saliidda baara ee Turkiga ee Oruc Reis ayaa haatan ka shaqaynaya meel u dhaxaysa biyaha dalalka Qubrus iyo jasiiradda Giriigga ee Crete isagoo howsha sii wadaya ilaa 23-ka Agoosto tiiyoo cadaadis badan lagu hayo.

Hadafka Ankara waa ilaalinta “daneheeda iyo xuquuqdeeda,” sida uu carrabka ku adkeeyey Erdogan, isagoo sheegay inay inuu dalkiisu uu uga dagaallami doono “madal kasta ee caalamka ah.”

Turkey ayaa waxaa madaxa iskula jiraan Giriigga oo ay taariikhiyan coltamaan, kaddib markii ay Ankara baaritaanka ka bilowday Bariga Badda Dhexe.

Waxaa sidoo kale Giriigga usoo hiilliyey dalka Faransiiska oo isna ciidan iyo maraakiib usoo diray gobolka, isagoo xitaa Turkiga dartii u qaaddacay dhoollatus ay Juun wada sameeyeen dalalka NATO, kaddib markii uu sheegay inay maraakiib dagaal oo uu Turkigu leeyahay ay qashqashaadeen markab dagaal oo uu isagu leeyahay.

Warka Erdogan ayaa u muuqda mid ku socda Faransiiska in ka badan inta uu ku socdo Giriigga oo uu Turkigu gumaysan jirey.

Hadalsame Media