War kasoo kordhay dhacdo ugub ah oo laga soo sheegay shirkii Golaha Wasiirrada

0

(Muqdisho) 14 Agoosto 2020 – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gacan ka hadal furan oo la sheegay inuu dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga DF Somalia iyo Wasiiru Dowlaha isla Wasaaraddaasi oo kala ah: Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) iyo Maxamed Cali Xagaa, sida ay u kala horreeyaan.

Ceebta ugu darani ma aha dagaalka oo qura ee waa meesha uu ka dhacay oo ah madasha Golaha Wasiirrada oo ku jirey kulankii Khamiislaha ahaa oo uu daadihinayey xil-gaarsiiyaha RW.

MAXAA LA ISKU MAAGAY? Labada Wasiir ayaa la sheegay inay isku af dhaafeen arrin la xiriirta Baasaboor Diblomaasi ah oo uu Wasiiru Dowluhu u doonayey nin sarkaal ah oo dhankiisa ah.

Waxaana la sheegay inuu ka caroodey tillaabo uu qorshahaa ku fashilay Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Amardambe oo u awood sheegtay Maxamed Cali Xagaa kaddib markii uu warqad rasmi ah oo uu codsiga Xagaa ku baajinayo uu u qoray Wasaarad Dibadeedka DF, isagoo ku yiri ”aniga ayaa ka taliya WG.”

Labada nin oo arrinta kusoo qaaday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayay taasi keentay inay muddo hagag iyo dood isla galaan oo warku ka taagtaagmo, waxaana deeto dhacay gacan ka hadal la sheegay inuu Xagaa bilaabay, waloow aan rasmiyan la hubin.

Dagaalkan iyo foowdadan aan horay uga dhici jirin Golaha Wasiirrada ayaa la sheegay in ay xitaa sababtay inuu joogsado shirkii socdey kaddib markii uu shirka ka baxay Wasiirka Gaashaandhigga Md Amardambe.

Labada Wasiir oo sidoo kale ah mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Somalia ayuu dagaalkoodu marka laga soo tago inuusan ahayn wax u cuntama umadda Soomaaliyeed, wuxuu misna muujinayaa inaan la isku dagaalin dan qaran, balse la isku hayo kuwo gaar ah oo lakala jiidanayo, waayo wax ciddii Baasaboor Diblomaasi ah qaadanaysa Wasaaradda Gaashaandhigga si toos ah uga khuseeya maba jirto.

 

Hadalsame Media