”Madaxtooyadu waa ka shallaaysan tahay tuuristii Khayrre!” – Maamulka sare ee Baarlamanka & Madaxtooyada oo is mari la’

0

(Muqdisho) 14 Agoosto 2020 – Waxaa 25-kii bishii tagtay si hal haleel ah oo aanay cidina kusii tashanin, marka laga reebo xayn ka mid ah Baarlamanka loo tuuray RW hore ee Xasan Cali Khayrre, kaasoo iminka bil ku dhowaad kaddib aan weli la bedelin.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in raggii arrintaa wax ka maleegey oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku xigeenkiisa 1-aad oo kala ah Mursal iyo Muudeey ay MW Farmaajo isku fahmi la’yihiin qofka noqonaya RW xiga kaddib markii uu midba kan kale ka diidey qofka uu wato.

Xogo hoose ayaa sheegaya inay tiraba ka 3 jeer ay kulamo gaar ah qaateen MW Farmaajo, Mursal iyo Muudey iyagoo kaliya ka hadlaya qofka ku habboon in RW laga dhigo.

MW Farmaajo oo ay tuuristii Khayrre istaajisey boos hoose oo dhanka gorgortanka ah, marka la eego in haddii aysan Mursal iyo Muudeey isku fahmin RW cusub ay taasi keeni karto inaan codka kalsoonida la siinin, taasoo sii keenaysa inay dhacaan dhamaanba hay’aadka dowladdu, ayaa ku khasban inuu tanaasulaadyo badan qaato.

Waxaa guud ahaan muuqanaya inuu abuurmay jawi jahaweer miiran ah, iyadoo ay aad ugu badan tahay inuu baaqday Shirkii Dhuusamareeb 3 ee berri furmi lahaa, halka ay shalay is feereen laba wasiir jeer uu socdey shirkii Golaha Wasiirradu.

”Madaxweyne Farmaajo waa uu ka shalaayey eryiddii Raiisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, waayo waa lagu heshiiyey in la rido, balse lagama fikirin sidii loo bedeli lahaa iyo goorta waxaa oo dhan lagu dhaqaaqayey mana muuqato in sidii sahlanayd ee loo ridey loo bedeli karo.” ayuu yiri nin magaciisa qariyey oo ka mid ah dadka siyaasada macneeya ee ku sugan Muqdisho.

Hadalsame Media