Israa’iil & dadka dhexe ee Xisbiga Dimoqraadiga oo ku DADAALAYEY inaysan soo laaban & Ilhaan oo ka qoto dheer sida la moodayo (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 13 Agoosto 2020 – Qoraalkiisii ​​Twitterka ee ololaha, Melton-Meaux, wuxuu Ina Cumar ku tilmaamay in ay aad ugu mashquulsan tahay la-dagaallanka Trump ee barta Twitterka, isla markaana ka shaqayso wax aan lug kula hayn arrimaha deegaankeeda. Qaybtii 1-aad…

Waxaan qaban doonaa shaqada adag ee dhanka baahiyaha dadweynaha ku haysta Degmada Shanaad. ”Waxaan u go’ay inaan adeeg bixiyo, balse ma ihi caannimo raadis,” ayuu yiri  Melton-Mea, oo olale ku jiray.

”Kuwa taageera Ilhaan, ma ahan in ay indhaha ka laabtaan cambaaraynta sharci darrada ah ee Israa’iil ay ku hayso waana in laga hortaga,” ayuu raaciyey Melton-Meau oo beer dulucsanaya kooxaha muxaafidka ah ee la haya Israel.

Melton-Meaux, oo ay Ilhaan si wayn isu hayeen ayaa in inta badan maalgelinta ololihiisu waxaa ay ka timid meel ka baxsan Degmada Shanaad. Diiwaannada maalgelinta ayaa muujinaya in in ka badan 20% ay maalgelintiisa, ama qiyaastii $530,000 oo doollar, ay ka timid dhinaca NORPAC iyo kooxaha taageera Israel ee Maraykanka.

Jeff Mendelsohn, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Pro-Israel America, wuxuu yiri, “Waxaan maqalnay in dadka ku nool degmada ay wakiil ka tahay Ilhaan Cumar. Guud ahaan waxaa ay dadku ka daaleen siyaasadda qeybinta ah isla markaana kuma raacsaneyn mowqifkeeda siyaasadeed ee khatarta ah,” ayuu ku yiri MEE.

“Muddadii ay joogtay, waxa ay si joogta ah uga shaqaysay muujinta Yuhuud-nacayb iyada oo si joogto ah uga shaqaynaysey siyaasad ka dhan ah xiriirka xulafaddeenna dimoqraadiga ah ee Israel,” ayuu daba dhigay Jeff Mendelsohn.

Waxaa jirta arrin kale oo mudan in la dul istaago waana inay Ilhaan Cumar iska diidey inay qaaraan ka qaadato sharikaadka waawayn, iyadoo door bidday dadka caadiga ah ee shacabka ah iyo qaaraamo yar yar (sida $200 oo doollar).

Marka loo eego, Melton-Meaux oo inta badan ku tiirsanaa sharikaadka waawayn sida bilyayeerka Seth Klarman, oo ah nin lagu yaqaan inuu lacago badan ugu deeqo Xisbiga Jamhuuriga ah.

Qiyaastii 93% ka mid ah $3.2m oo usoo ururtay Melton-Meaux waxaa ay rubacii dhexe ee 2020 ay ka timid sharikaad waawayn, waxayna taasi muujinaysaa inay Ilhaan tahay qofka rasmiyan u doonaya isbedel doonka, waayo markasta oo aad ku tiirsan tahay sharikaadka waawan, waxaad ka dhigan tahay qof gacanta ugu jira geed-fadhiga siyaasadda Maraykanka ee soo jireenka ah.

Habboon Cabdulle, Xoghayaha Guud ee Women Organizing Women (WOW), ayaa sheegtay in qolyihii ka ololeeyey Ilhaan Cumar aysan kaliya doonaynin inay ka adkaadaan, balse ay sidoo kale rabeen inay ”bahdilaan.”

“Arrintani waxay iyada ka dhigaysaa mid sidii hore ka adkaysi iyo adayg badan.” ayay tiri Habboon.

Waxaa dheer, burjaawinnimada Ilhaan iyo rabitaankeeda ku aaddan inay dhaleecayso siyaasado xasaasi ah min dagaalka Yaman, gumaadka ay Hindiya ka waddo Kashmiir ilaa siyaasadda Maraykanka ee ku aaddan in shuruud la’aan loo taageero Israel, ayaa waxay soo jiiteen dad badan oo isbedel doon ah min gayfanayaasha liberaalka ah ilaa dadka xorriyadda madaniga ah u diriraya ee Black Lives Matter.

“Waxaan u baahan nahay inaan Ilhaan ugu dagaalanno, sida ay noogu dagaallanto annaga,” ayaa lagu yiri isu soo bax online lagu diyaariyey oo ay abaabuleen JVP Action kaasoo ay kasoo qayb galeen gayfanayaasha Angela Davis iyo Keeanga-Yamahtta Taylor.

Dhanka kale, Jon Biden ayay israa’iiliyiintu laftiisa rajo aad u wayn ka qabaan, waa se haddii uu Trump liico dhanka tartanka, waayo meesha Ilhaan ka soo jeeddo waxaa ka imaanaya codad aad u fara badan, Ilhaanna ololaha Biden ayay dhinac wayn ka tahay, halkaa oo ay israa’iil fursad kale ka raadin doonto, balse kuma farxin inay Ilhaan soo noqotay.

La soco qayb kale…

Waxaa Diyaariyey: Ismaaciil Fanax & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media