NAF-HURID: Turkiga oo reer Lubnaan u sameeynaya arrin ilmo ka keentay shacabka

0

(Ankara) 13 Agoosto 2020 – Dekedda Caalamiga ah ee LimakPort Iskenderun ee ku taalla Gobolka Hatay ee koonfurta Turkiga ayaa gebi ahaanba waxaa si KMG ah loogu wareejiyey dalka Lubnaan kaddib burburkii Dekedda Beyruut, sida uu sheegay Maareeyaha Guud ee  Iskenderun Port, Gündüz Arısoy.

Warkan ayaa imanaya kaddib markii uu MW Xigeenka Fuat Oktay oo horay u sheegay in Ankara ay Lubnaan u sheegtay inay adeegsan karaan dekedaha Turkiga ee dhaca Badda Dhexe sida Mersin iyo Iskenderun, inta dib looga dhisayo Dekedda Beyruut, taasoo uu Turkiga laftiisu ballan qaaday.

Wuxuu kaloo sheegay in Ankara ay diyaar u tahay inay dirto sahay caafimaad iyo cunto dheeraad ah, kaddib markii uu qaraxii Beyruut uu sii cakiray xaaladda reer Lubnaan.

Arısoy ayaa isna Anadolu Agency (AA) u sheegay in LimakPort Iskenderun oo uu qaadkeedu yahay 1 milyan oo TEU isla markaana dejin karta 4 miltan oo tan oo xamuul ah ay qabanayso shaqadii Dekedda Beyruut oo muddo howlgab ahaanaysa.

Iskenderun ayaa 400 oo KM (248 mayl) uun u jirta caasimadda Beyruut, iyadoo uu Arısoy tilmaamay in 6 saacadood Beyruut lagu gayn karo wixii kasoo dega dekeddan.

Arrintan ayaa waxaa si wayn usoo dhoweeyey shacabka Lubnaaniga ah oo uu xaalku ku xumaa.

Dekedda LimakPort Iskenderun

Hadalsame Media