”Masar ka yeeli mayno inay kaligeed gacan-togaalayso biyo aan annagu leennahay!” – Itoobiya oo indhaha shidatay!

0

(Addis Ababa) 13 Agoosto 2020 – Itoobiya ayaa sheegtay inaysan dhibaato kala dhexeeynin Masar, balse ay tii xumayd imanayso marka ay Qaahira isku daydo inay gacan togaalayso biyaha Niilka, sida uu sheegay afhayeen u hadlay WAD Itoobiya.

“Xaqa ay MASAR ku leedahay biyaha Niilka ayay Itoobiyana ku leedahay. Masar kama horjeedno ama xuquuqda Suudaan. Waxaan doonaynaa in si cadaalad ah looga wada faa’iidaysto, waxaanse qaraaraanaynaa marka ay Masar isku daydo inay kaligeed wax sheegato.” ayuu yiri Danjire Dina Mufti oo u warramayey Ethiopian Herald.

“Itoobiya waa isha Niilka. In ka badan 86% wuxuu webigani biyaha ka keenaa Itoobiya. Waa wax dabiici ah oo lagu galladay Itoobiya, taasoo muujinaysa inaan xaq ku leennahay khayraadkeenna,” ayuu raaciyey isagoo sheegay inay iyaga ka go’an tahay inay dhegeystaan walaaca dalalka uu webigu sii maro si la isu kaashado oo aan la isu karhin.

Itoobiya ayaa dhisaysa biyo-xireen ay ku baxday $5 bilyan oo doollar, kaasoo laga taagey meel u dhow xadka Suudaan, waxaana ay Masar oo 55.5 milyan oo mitir oo 3 jibbaaran sanadkii ka cabta webigaasi ay rumaysan tahay inuu xadidayo qulqulka webiga oo dhankeeda u daada, iyadoo haatan gorgortan ugu jirta ugu yaraan 40 bilyan oo mitir oo 3 jibbaaran sanadkii.

Hadalsame Media