Dowladda Kenya oo jir-xumo ku bilowday Axmed Madoobe (Weji uusan uga baran oo uu kala kulmay)

0

(Nairobi) 13 Agoosto 2020 – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Md Axmed Islaam Madoobe ayaa si deg deg ah ugu soo guryo noqday magaalada Kismaayo.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ujeedka rasmiga ah ee booqashada Axmed Madoobe iyo soo noqodkiisa deg degga ah, isagoo maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi.

Yeelkeede, xogo madax bannaan ayaa sheegaya in inta aanu  Axmed Madoobe u dhoofin dhanka Kenya uu jirey kulan qarsoodi ah oo ka dhacay Kismaayo, kaasoo dhex maray Madoobe iyo saraakiil ka tirsan Sirdoonka Kenya oo dayuurad gaar ah ku tegey Kismaayo, kaddibna isaga u qaaday dhanka Nairobi.

Waloow ay rag ku dhow dhow xayndaabka hoose ee Madaxtooyada Jubbaland ay dusiyeen xog ah in safarkaa deg degga ihi uu la xiriirey arrimo u gaar ah MW Jubbaland oo caafimaad u tegey halkaasi, misna waxaa jirta arrin kale.

Wararkaasi waxay sheegayaan in Kenya aanay Axmed u soo dhaweynin sidii looga bartay, iyadoo la sheegay inaysan ku faraxsanayn is fahamka dhex maray DF Somalia iyo maamulka Jubbaland oo ay ku gorgortanto, iyadoo aalaaba ku dadaasha inay halkaa saamayn ka raadiso.

Axmed Madoobe ayaa la rumaysan yahay inuu Kenya siiyey saamayn aysan xaq u lahayn oo ku saabsan inay saamile ka noqoto siyaasadda maxalliga ah ee Somalia, tiiyoo ay sheeganayso qayb ka tirsan isla gobolka Jubbaland.

Hadalsame Media