Beledwayne oo lagu xirey agab asaasi ah oo digniin hore bixinaya

0

(Beledwayne) 13 Agoosto 2020 – Waxaa magaalada Beledwayne ee caasimadda Gobolka Hiiraan lagu dhejiyey qalab wax badan ka taraya biyaha sanad kasta halkaa ku fataha.

Qalabkan ayaa lagula socon doonaa xawaaraha iyo qaab qulqulka webiga Shabeelle, mugga biyaha, jooggooda, inay biyo cusubi soo kordheen, inuu fatihi karo iwm, ayaa laga hirgeliyay Magaalada Beledweyne.

Qalabkaan saadaasha bixinaya ayaa ku shaqaynaya tamar laga dhaliyey cadceedda, taasoo ka dhigan inuu tamar sahlan ku shaqayn doono 24 saacadood.

Beledwayne ayaa sanadihii dambe caan ku noqotay inay sanad kasta halkaa ka dhacaan fatahaad dhanka webiga ah, iyadoo xitaa ay jirto eedo ku saabsan inay jiraan hay’ado wax ku raadsada fatahaadda oo diiddan in la dejiyo istaraatijiyad cad oo arrintaa lagaga gaashaamanayo, balse tan ayaa noqonaysa tillaabo ugu dambayn waxtar leh, ugu yaraan kahortag ahaan.

Hadalsame Media