Al Shabaab oo faafifasay codadka shir-telefoon uu qabtay Maamulka Mudug qaybta Puntland (Yaa dusiyey?)

0

(Gaalkacyo) 13 Agoosto 2020 – Idaacadda Shabaabka taageerta ee Al-Furqaan ayaa faafisay codadka shir ay khadka telefoonku ku yeesheen madaxda gobolka Mudug qaybta Puntland, kaasoo uu soo agaasimey Cabdiladiif Muuse Sanyare, Guddoomiyaha Gobolka Mudug qaybta Puntland.

Nasiib xumo codadkan la dusiyey ayaa waxaa ay ku saabsan yihiin isla xeelado ku saabsan sida uu maamulkaasi doonayo inuu amaanka ula xaalo.

Masuuliyiinta hadlaysa ayaa waxaa guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, Cabdiladiif Muuse Sanyare ku wehlinaya Taliyaha Qaybta Booliiska Gaashaanle Sare, Muumin Cabdi Shire, waxayna wada hadalka la lahaayeen dadka halkaa kasoo jeeda ee qurbaha ku nool.

Waxyaabaha shil-telefoonka lagu qaadaa dhigay ayaa waxaa sidoo kale ku jirey sidii loo samayn lahaa ciidan dheeraad ah oo dhar-cad ah, sidii loo heli lahaa maaliyad, sidii loola socon lahaa dugsiyada Qur’aanka iyo waxyaabaha lagu baro carruurta iyo la dagaallanka kooxda Al Shabaab oo la sheegay inay xarumo qarsoodi ah ku dhex leeyihiin isla Gaalkacyo.

Yeelkeede, codadkan la iskugu gudbinayey Whatsup ee xogaha lagu siinayey qurba joogta ayaa waxaa barahooda kusoo daabacday kooxda Al Shabaab, lamana yaqaanno cidda xogahan u dusisey.

Kooxda Al-shabaab ayaa dilal iyo qaraxyo ka fulisa magaalada Gaalkacyo, iyadoo dhowaan dishey Guddoonkii Gobolka qaybta Puntland.

Maamullada dalka min DF ilaa gobollada ayaa habacsanaan iyo hab-raac xumo ka muujiya dhanka amaanka, taasoo keenta inay dad badani dayacaad amaan darteed u dhintaan.

YAA DUSIYEY? Su’aasha milyanka Doollar joogtaa waa sida uu warkani ku yimid saaxada caamka ah, waxaana Hadalsame soo gaartey 2 aragtiyood oo ay midi tahay inuu qof shirka ka qayb galay uu u diray dhinacyo 3-aad kaddibna ay sii faafiyeen amaba ay si toos ah wax u dheceen.

Hadalsame Media