“Waxaa janaasada nala dukadey qaar ka mid ah kuwii khaarajiyey!” – Marqaati gacan 1-aad ah oo sharraxaya wixii dhacay (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 12 Agoosto 2020 – MAXAA DHACAY MAANTA OO KALE 11 AGOOSTO 2007-dii? Akhri qaybtii 1-aad…

Qaybtii hore waxan ku joojiyaay in Mahad isbital madiino loola cararay lakin aan naf lagu gaarsiin, warka idacada oo murugo xambaarsana kadib quraan ayaa la saaray idaacada.

Shir degdeg ahna waan galnay si aan uga arinsano aaska Allah ha u naxariistee saxiibkeen Mahad.

Cali Iimaan oo ahaa Agaasimaha Idaacadda ayaa qaar kamid ah shaqaalah u xil saaray qabriga iyo duugta sidey u dhaceeyso, inteenij kalena waxaan aadnay Ispital madiino, aniga malintaas xaladeeyda ma wanaagsaney cabsi xoogan ayaa i haysay madama aan arkay raga shirqoolka dilka ah waday subaxaas.

Cali Iimaan ayaan arintii la wadaagay, wuxuuna iga dareemay in walwal badan iyo cabsi i haayso, wuxuu igu qanciyay in Mahad waqtigiisa dhamaaday, cid idili kartaana ayan jirin waqtigeyga oo aan dhamaan, wuxuuna igu yiri aniga isoo raac.

Gaarigiisa ayaan qaybta danbe ka fariistay sidaas ayaana Isbitaalka ku tagnay, arinta iigu darneyd waxey ahayd markaan Isbitaalka ku arkay labo wiil oo aan kaga shakiyay in ay ahaayeen kuwii saakay arkay iyo Xasan Xanafi oo warka dilka Mahad markaan sheegay kaddib isoo wacay oo aan marna telefonka ka qabtay marna aanan ka qaban.

Xanafi wuu i salaamay wuuna iiga tacsiyeeyay geerida Mahad, madaama Xasan Xanafi isaguba aan saxiibbo dhanka warbaahinta aheyn.

Xilli duhurkii ah ayaan soo qaadnay maydka Mahad waxana keenay Masjidka Sheekh Cali Suufi ee Kaasabalbalaare halkaas oo aan salaadii janaasada kula tukanay iyadoo qaar kamid ah kuwii dilla geystayna nagula tukadeen.

Waxan aadnay dhinacaa iyo qabuuraha Barakaat, gawaari aad u tiro badan ayaan ku soconay, qabuurihii ayaan gaarnay Mahad waa la aasay.

Cali Imaan ayaa qabuuraha korkiisa saxaafada shir jara’id ugu qabtay, dhamaan idaacadihii ka jiray magaalada Muqdisho waxay nala qaateen baroordiiq sadax maalmood ah.

La soco qayb kale….

Goobjooge: Xasan Muuse Sabriye

Hadalsame Media