”Waa la ii hanjabey!” – Agaasimihii Warfaafinta Xasan Cali Khayrre oo sheegay in la ”rakaateeynayo!”

0

(Muqdisho) 12 Agoosto 2020 – Agaasimihii hore ee Warfaafinta ugu qaybsanaa Xafiiska RW hore ee Xasan Cali Khayrre ee Cali Nuur Salaad ayaa sheegay inay soo gaartey hanjabaad nooc cusub ah.

Wuxuu sheegay in ay hanjabaaddaasi ku saabsan tahay in e-mailkiisii shaqo oo magaciisa sita loo adeegsan doono in wax loogu dhimo sumcaddiisa, taasoo ay haddii ay run noqoto muujinaysa arrin rakaato ah.

Waloow uu khaldan yahay xarafka hanjabaadda lagu yiraahdo Ingiriisiga misna marka farriinta la wada akhriyo waxaa la fahmayaa ujeedada qoraalka.

”Waxaa isoo gaaray in E-mailkaygii shaqada XRW xiriirro laga sameynayo iyada oo magacayga la isticmaalayo,” ayuu yiri Cali Nuur.

”Sidaas darteed E-mail kasta oo alinur@opm.gov.so kaaga yimid kadib 30.07.2020 waxaa soo diray koox isu key ekeysiineysa oo xirfad xumadoodu halkaas gaarsiisay.” ayuu dadka ogaysiiyey.

Cali Nuur ma xusin magaca cid gaar ah, balse waxaa kolleey e-mail-kiisii shaqo galaangal u yeelan kara dadka haatan ku sugan xafiiska RW oo ay shaqaynayaan dad ku simeyaal ah.

Arrintan ayaa haddii ay dhab noqoto waxay ka dhigan tahay hab-dhaqan cusub oo aan horay loo maqli jirin marnaba.

Hadalsame Media