”Waa adinka milkiilayaasha qaranku!” – Xasan Cali Khayrre oo markii ugu horreeysey siyaasad ka hadlay tan iyo markii uu xilka banneeyey

0

(Muqdisho) 12 Agoosto 2020 – RW hore ee dalka Xasan Cali Khayrre oo 25-kii bishii hore ayaa markii ugu horreeysey arrimo siyaasadeed ka hadlay tan iyo markii uu xilka ka degey.

”Waxaanu nahay ummad saddex meelood laba ay dadkeedu yihiin dhallinyaro. mustaqbalkeenu waxa uu ku xiran yahay sida aan u maalgashanno dhallinteena,” ayuu boggiisa kusoo qoray Khayrre.

Khayrre ayaa ka hadlay cidda uu u arko inay xal u keeni karto xiisadda daba dheeraatay ee haysata Somalia, isagoo tusmeeyey dabaqadda lagu tilmaami karo ”milkiilayaasha qaranka” oo uu ula jeedo dhallinyarada.

”Cidda kaliya ee dalkeena samatabixin karta maanta waa milkiilayaasha mustaqbalka. Hambalyo dhamaan dhallinyaradeena.” ayuu daba dhigay.

RW hore oo la fahamsan yahay inuu siyaasadda weli rajo ka leeyahay ayay wararku sheegayaan inuu doonayo inuu ku dhawaaqo xisbi siyaasadeed oo uu isagu u noqonayo musharraxa madaxtinnimada dalka.

Hadalsame Media

Facebook Comments