SACAD AL-JABRI: Nin jiiro dhib badan uga soo baxay Boqortooyada Sucuudiga! (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 12 Agoosto 2020Mintidnimada gunnimada ah ee Ibn Salmaan ninkan ku la dagaallamayo waxaa ka mid ah isaga oo qafaashay wiil iyo gabadh uu ninkani dhalay iyo weliba walaalkii, kuwaas oo aan meel ay jaan iyo cidhib dhigeen la hayn, waana iskuday Ibn Salmaan ku doonayo in uu ku gorgortamo.

Wax uu kale oo bilayska dunida ee Interpol u gudbiyay dacwad ah Sacad Aljabri in uu yahay mujrim soo dhacay hantidii aadka u badnayd ee uu sannado badan masuulka u ga ahaan jiray wasaaradda gudaha qorshaheeda la dagaallanka argagixisada, hayeeshee dunidu dacwaddaa waa ay laashay iyada oo loo arkay mid siyaasadeed.

Taa beddelkeed Sacad Aljabri wax uu maxkamadda Federaalka Maraykanka dacwad ka ga oogay Ibn Salmaan qudhiisa iyo niman kale in ay marar badan damceen in ay dilaan, dacwaddaas oo meel wacan u maraysa lana filayo in uu ku helo magdhaw aad u badan.

Haddaba haddii qorshaha Ibn Salmaan yahay in uu awood kasta oo suuragal ah ku aamusiiyo ninkaa sirta badan ka haya, waa maxay qorshaha Sacad Aljabri? Xaqiiqadu wax ay tahay dalka Sacuudiga waxaa ka aloosan dagaal kulul oo loo gu jiro cidda boqor noqonaysa odaygan gaboobay ee Salmaan dabadii.

Wiilkiisan qalqaalliga ahi sida la og yahay isaga oo adeegsanaya awoodda aabbihii boqortooyadii wax uu ka raray Aal Saacudnimadii wax uuna u rogay Aal Salmaan, isaga oo dhigay inqilaab cad sannadkii 2017. Wax uu xilkii dhaxalsugaha si aan sharci ahayn u ga la wareegay ina adeerkii Maxamed bin Naayif, wax uuna shaqooyinkii ka eryay ama xabsiga ku guray oo lacag aad u xaddi badan ka xoogay dhammaan dadka reer Aal Sacuud ee aan isaga taageersanayn ama Ibn Naayif raacsan iyo xulafadooda.

Marka xigta waxgaradka Sacuudiga badankoodu ninkan wax ay u arkaan ciyaalsuuq aan u qalmin masuuliyadda dalka, wax ayna meesha la doonayaan Ibn Naayif ama adeerkood Axmed bin Cabdicasiis.

Haddaba Sacad Aljabri oo sannado aad u badan lataliye iyo gacanyare u ahaa Ibn Naayif wax uu ka mid yahay dadkaa.  Iyada oo ay sidaa tahay ninkani wax uu ku qanacsan yahay haddii uu si wacan u gu gorgortamo sirta uu Ibn Salmaan ka hayo oo aad u ga badan intii la gu khaarajiyay Khaashuqji, in uu ka takhallusi karo hanka Maxamed Ibn Salmaan ee boqornimada.

Wax ay se wayddiintu tahay, taa ma ku guulaysan doonaa, mise xogtaasi wax ay ku dambayn doontaa hub shisheeyuhu u adeegsado isaga qudhiisa, Ibn Salmaan iyo dalkiisa oo dhan?

Dhamaad….

Waxaa Diyaariyey: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media