”MUSUQA meel sare laga eegayo waxaa ka daran midka hoose!” – Sheeko maanta ka dhacday Garoonka Dayuuradaha Muqdisho

0

(Muqdisho) 12 Agoosto 2020 – Waa sheeko run ah, waana dhacdo maalin kasta agtaada ka dhacda balse aan helin muhiimad siinta iyo ka fal-celinta ay mudan tahay. Dad badan waa la yar tahay, balse misna ma yara oo buur bay ka culus tahay. Bal akhri dhacdadan oo dhugso:

”Wiil yar oo 8 sano jir ah oo KM4 kabaha iigu caseeyay ayaan sheekeysannay. Wuxuu ii sheegay in uu gelinka hore iskuul dhigto, gelinka dambena shaqeysto, haddana laga soo celiyay iridda garoonka Aadan Cadde oo gudihiisa kabaha looga caseeyo $1 ilaa $2, loona fasaxay saddex caseeye oo qaraabo la ah qaar ka mid ah waardiyaha garoonka.

”Musuqmaasuqa iyo caddaaladdarada aan madaxda sare ku eedeyno waxaa ka xanuun badan kan hoose ee bulshada ka dhex jira ee lagu sameeyo dadka nugul ee aysan kaamiradu qaban, ee indhaha aan ku eegeyno musuqmaasuqa madaxda sare aan ku aragno dulmiga iyo caddaaladdarrada xidideystay ee ay dhibbanayaasha u yihiin masaakiinta aan codkooda la maqlin.”

Waa arrin la sahashado balse u baahan in lagu baraarugo cuqubada laga qaadayo arrimaha noocan ah oo aanay xitaa dad badani kuba baraarugsanayn in ay mudan tahay in la qaad qaado.

Waxaa la kulmay: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media