DAAWO: ”Af Soomaali fahmi mayno!” – Qaxooti Yamani ah oo dibedbax ka dhigay magaalada Hargaysa!

0

(Hargaysa) 12 Agoosto 2020 – Waxaa magaalada Hargaysa dibedbax ka dhigay qaar ka mid qaxootiga Yamaniga ah ee halkaa ku sugan.

Qaxootiga oo kasoo hayaamay qaxarka ka dhashay dagaalka sokeeye ee dalkaa ka holcaya ayaa ku hor bannaan baxay xafiiska hay’adda UNHCR ee qaxootiga ugu qaybsan QM.

Dadkan oo haween iyo carruur u badnaa ayaa dalbanayey in la siiyo ”xuquuqda ay u leeyihiin waxbarashada”, gaar ahaan midda gaarka ah, maadaama bay yiraahdeen af Soomaali lagu dhigo iskuullada hoos yimaada Maamulka Somaliland.

”Waa dayacan nahay, carruurteenuna ma yaqaannaan af Soomaali, jidkana ma mari karaan, cuntadii iyo dawadiina waa nalaka jaray.” ayay tiri gabar ka tirsan dibedbaxayaasha oo sheegay in haddii aan wax loo qaban karin loo raro dal 3-aad.

Si kastaba ha ahaatee, marka laga yimaado walaaca ay ka qabaan amaanka iyo maciishadda, dhanka waxbarashada gaarka ah ayaa lacag ah, halka marka ay dad u qaxaan dal kale ay ku khasbanaadaan inay bartaan oo isticmaalaan luuqadda maxalliga ah, sida ku dhacda Soomaali badan oo caalamka ku kala nool.

Hadalsame Media