”Waxaa tihiin boqortooyo qabali ah oo aan qaran adag lahayn!” – Turkiga oo u digey Imaaraadka

0

(Ankara) 11 Agoosto 2020 – Turki waxay si joogta ah u muujisay qaangaarnimadeeda siyaasadeeda iyo tan ahmiyaddeeda diblomaasiyadeed, iyo in ay tallaabo ciidan u aragto xalka ugu dambeeyay sida kuweedi ugu dambeeyay ee Suuriya iyo Liibiya, waa sida ay la tahay nin faallo ku qoray Daily Sabah oo u janjeera dhanka dowladda Ankara.

Inkasta oo dagaalka Suuriya oo toban jirsaday haddana Turki waa sugtay ilaa ay ka dareentay halis ku wajahan amnigeeda qaranka. Si taas la mid ah waxay ka dheeraatay in ay Liibaya xoog ciidan ku daydo ilaa ay casuumaad ka heshay dawladda sharciga ah ee dalkaas.

Ayada oo dhanka kale Turkigu Liibiya la leeyahay xudduud badeed iyo xiriir dhaqan oo soo jireen ah. Yeelkeede, tani ma beddalayso xaqiiqda ah in ay jiraan tusaalooyin badan oo muujinaya in Turkigu uusan iska indha tirin ikhtiyaarka tallaabo ciidan marka goorta iyo goobtu u saamaxayaan.

Sababtaas darteed ayaa warkii Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar ee uu Aljazeera siiyay kaliya uusan u soo jiidan indhaha caalamka balse uu sidoo kale u soo jiitay indhaha shacabka Turkiga.

Bayaanka Wasiirku waxa uu ishaaray sida xulafada Turkiga ka soo horjeeda ee uu Imaaraadku ka mid yahay ay isugu deyayaan abuuritaanka fashilinta hannaanka nabadda ee Liibiya iyo Suuriya. Markii ugu horraysay ayuu mudane Akar caddeeyay in UAE u maalgalinayso hawlgalinaysana kooxaha argagixisada ah ee Liibiya iyo Suuriya.

“UAE ayada oo og yaraanteeda iyo saamayneeda kooban ayay sidaan samaynaysaa. Goorta iyo goobta ku habboon ayaan ugu jawaabaynaa,” ayuu yiri Wasiirku. Farriinta Turkiga ee ku wajahan dalalka iyo awoodaha arrintaan UAE ku taageera waa mid cad.

Ku tiirsanaanta dal sida Imaaraadka dhaqaale ahaan iyo karti ahaan aan u degganayn kaba sii darane aan u degganayn ciidan ahaan, diblomaasi ahaan iyo dawladnimaba waa mid halisteeda qiimo ahaan aad sareeeyso.

Imaaraadku ma ahan oo kaliya dal aan dimoqraaddiyad iyo dhaqan dawladnimo oo sal adag lahayn, balse waa dal qabiilooyin shidaalka qani ku ah. Waana dal midnimo ahaan iyo awood ahaanba daciif ah saamayntiisa caalamiga ahina tahay kaliya mid ku xiran shidaalka.

Waana macne darro in la is barbardhigo boqortooyooyinka beelaha ee gacanka iyo Turkiga awooddooda siyaasadeed iyo tan xiriirkooda caalamiga ah, waayo sida ay qabto Global Firepower, Turkigu waa awoodda 10-aad ee ciidan ee dunida iyo tan 2-aad ee NATO halka UAE tahay tan 45-aad.

Kala duwanaanta awoodda ciidan iyo midda dadeed ee labada dal u dhaxaysaa waa mid aad u kala fog. Inkasta oo Imaaraadku u muuqdo in uu awoodo siyaasadda faragalinta iyo isballaarinta ayaga oo teegeero ka helaya Maraykanka, Sacuudiga, Masar iyo Baxrayn haddana waa ay ku adag tahay UAE in ay ka muujiso bandhig fiican Bariga Dhexe iyo Liibiya.

Dhanka kale, xaqiiqo ahaan waxaa adduunku yaqiinsaday in Imaaraadku ka dambeeyo in badan dhibaatooyinka Bariga Dhexe iyo Jilayaasha sharcidarrada ah ee dhibka ku haya degganaanta gobolka.

Argagixinta iyo ku xadgubka xuquuqda aadanaha ee Imaaraadku wadaan waxaa lagu muujiyay warbixinnada Qaramada Midoobay iyo hay’adaha xuquuqda insaanka. Waxaa la fahamsan yahay in Imaaraadka oo dhabarka ku sidata rajiimka dad-qalka ee Masar in ay haddana rabaan rajiim dabadhilif ah oo Liibiya ka hanaqaada.

Imaaradku si ay Liibiya uga dhisaan rajiim dabadhilif ah waxay adeegsanayaan kooxo argagixiso ah iyo kuwa shaci darro ah, waayo ma ay laha karti iyo awood ay ku fuliso kuna maamusho hawlgal ciidan mana lahan wax fursad ay oo ay ugu guulaysan karto dagaal dibadeed ayada oo ay adeegsanaysa ciidankeeda aan dhaafin 20,000.

Sidaas darteed, Abuu Dabeey waxay ku khasbanaatay in ay 3,500 oo askari oo dhulka ah kala baxdo Yaman iyo 3,000 oo kuwa cirka iyo badda ah oo qaybaha kale ee gobolka ka keentay sannadkii hore.

Waxaa biyo ka ma dhibcaaan ah macquulnimada hoosaysa in UAE raadgurto siyaasadeheeda ay Turki ku beegsanayso ayada oo aan gacan ka helayn awoodo kale. Isku daygaas waadixa ah ee lagu beegsanayo awoodda labaad ee NATO ayada oo la isku hallaynayo guulo yar yar oo laga gaaray Xuutiyiinta sida Imaaraadka beelaha ah waa mid aan lagu tilmaami karin wax aan ka ahayn geesinnimo axmaqnimo gadaal ka riixayso.

Haddaba, farriimihii ugu dambeeyay ee Akar waa in loo eegaa si dhugmo leh, waayo ma ahan kuwa si fudud lagu yiri. Akar waxa uu u muuqdaa nin si adag ugu jawaabaya qaska iyo degganaan la’aanta Imaaraadku ku xagal-daacinayo nabadda Liibiya, Suuriya iyo Yeman.

Ankara waxay si cad u muujisay in aysan hadda kaddib indhaha ka qarsan doonin siyaasadeheeda cadownimo ee Turkiga ku wajahan ayna la sugayso goorta iyo ahmiyaddeeda ay ugu jawaabi doonto.

Waxaa Tarjumey: Cali M Diini

U gaar ah

Hadalsame Media