SACAD AL-JABRI: Nin jiiro dhib badan uga soo baxay Boqortooyada Sucuudiga!

0

(Hadalsame) 11 Agoosto 2020 – Maxaa ka la haysta Sacad Aljabri iyo Ibn Salmaan? Sacad Al-jabri waa muwaaddin Sacuudi ah oo dhashay sannadkii 1958. Da’ yaraan buu ku galay ciidanka bilayska oo uu ka gaadhay janaraal, wax uuna heer sare oo jaamacadeed ka bartay aqoonta kumbiyuutarka.

La ga soo bilaabo 1997-kii wax uu meel sare ka ga jiray Wasaaradda Gudaha dalkiisa iyo Hay’adda Sirdoonka, isaga oo noqday la taliyaya arrimaha sirdoonka iyo la dagaallanka argagixisada heer wasiir u dhigma.

Wax uu ahaa gacanta midig ee wasiirka gudaha ahaana dhaxalsugaha boqornimada Maxamed bin Naayif. Wax uu lahaa awood aad u badan, wax uuna hormuud ka ahaa sidii reer Aal Sacuud u ga adkaadeen kacdoonkii siyaasadeed ee gudaha, argagixisadii gudaha ka kacday iyo dagaalkii Alqaacida intaba.

Muddadaa wax uu masuul ka ahaa hanti laxaad leh oo loo qorsheeyay hawlaha kor ku xusan, isla markaa wax uu hayay sir iyo xog aad u badan oo ah dawladda iyo qoyska boqortooyada.

Haddaba kolkii uu soo baxay Maxamed bin Salmaan ee tab afgembi ah ina adeerka Ibn Naayif u ga la wareegay jagada dhaxalsugaha, Sacad Aljabri wax uu ka mid noqday dad badan oo ay ishu qabatay loona arkay in ay Ibn Naayif taageeraan.

Dabadeed hawlihii dawladda oo dhan waa la ga fadhiisiyay, gebi ahaanba, sannadkii 2015. Dabadeed debedda ayuu u baxsaday sannadkii 2017 isaga oo baqaya, dalal badan buuna u ka la dhuuntay, iyada oo la dabo dhigay ciidanka halista badan ee Ibn Salmaan dadka u soo khaarajiya, kaas oo ka kooban 50 nin oo reer Galbeedku u bixiyeen Shabeellada, ahna isla ciidankii Istanbuul ku qashay suxufi Jamaal Khaashuqji iyo dad kale oo badan.

Ilaa shan jeer ayaa la isku dayay in la dilo Sacad Aljabri ay u gu dambaysay saddex bilood ka hor oo la damcay in la gu dilo dalka Kanada oo uu imika magangalyo ku deggan yahay. Waxaa la caddeeyay ninkaasi in uu yahay halista u gu weyn ee ilaa maanta soo wajahday damaca boqornimo ee Ibn Salmaan, waayo wax uu hayaa siro aad u waaweyn oo haddii ay shaacaan aanay marnaba suuragalayn in Ibn Salmaan boqor noqdo.

Taas baa keenaysa Ibn Salmaan in uu ninkaa u ugaadhsado hab macangagnimo iyo ismiidaamin ah oo dunidu la wada yaabban tahay, isaga oo xitaa isku dayay in uu ku khaarajiyo Maraykanka gudihiisa, wax uu se ka ga badbaaday isaga oo xidhiidh wacan la leh sirdoonka Maraykanka.

Maalintii dhowayd qudheeda wax uu ku badbaaday feejignaan yaab leh oo sirdoonka Kanada ka muujiyeen xadka Maraykanka oo nimanka dili lahaa ka soo gudbeen.

La soco qayb kale….

Waxaa Diyaariyey: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media