Shirka Dhuusamareeb 3 ma qabsoomi doonaa? (Saan saan arrintaa wax nooga sheegaysa oo muuqata & MW Galmudug oo digniin diray)

0

(Ankara) 10 Agoosto 2020 – Waxaa haatan ay 5 maalmood oo qur ihi ka harsan yihiin xilligii lagu ballamay Shirka Dhuusamareeb 3 oo 15-ka Agoosto ka furmi lahaa magaalada Dhuusamareeb, waloow aanay weli muuqan wax saan saan ah oo ku saabsan inuu sidiisii u dhacayo.

Haddaba, MW Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), oo ka hadlayey xaflad soo dhowayn ah oo loogu qabtay dalka Turkiga oo uu dhowaan soo gaarey, ayaa ka digey in la baajiyo Shirkaasi Dhuusamareeb oo uu sheegay inay tahay inuu qabsoomo xilligii lagu ballamay isagoo ku baaqay in aan la fashilin.

“Shirka waqtii lagu ballamay ayuu ku dhacayaa, ilaa haatanna ma heynno waxyaabo keeni kara in uu dib uga dhaco xilliga qorshuhu yahay,” ayuu hoosta ka xarriiqay Qoor Qoor kahor intaanu dhiirrin doorka dadwaynaha.

‘Waxaan bogaadinayaa kaalinta dadka Galmudug, gaar ahaan shacabka magaalada Dhuusamareeb oo marti geliyay madaxda kala duwan iyo xubnihii la socday.” ayuu daba dhigay Md Qoor Qoor.

Shirkan ayaa u muuqda mid hadda yara dhumiyey niyad wanaaggii lagu qabey kaddib wixii dhacay markii uu soo xirmey wejigiisii 1-aad oo si hal haleel ah balse sharci darro ahayd loo tuuray RW Xasan Cali Khayrre oo door wayn ku lahaa shirarka oo uu ku dedaalayey in la isku fahmo.

Ilaa hadda ma muuqdaan wax gogol xaar ah, wax saan saan ah iyo cid ka socota dhinacyada uu shirku khuseeyo oo u amababaxay Dhuusamareeb, taasoo abuuraysa jawi u muuqda in si kas ah loo fashilinayo shirkaasi, waloow ay taasi keeni doonto xasarad siyaasadeed oo hor leh, loona baahan yahay in aad looga baaraan dego tillaabo kasta oo la qaadayo xilligan xasaasiga ah ee kala guurka ah.

Hadalsame Media