Koox ka qayb geleeysa Koobka Horyaallada Yurub oo uu karoone ku dhacay

0

(Lisbon) 10 Agoosto 2020 – Waxaa uu khabar xumi usoo yeerey kooxda Atletico Madrid oo isu diyaarinaysa kulanada wareegga rubuc-dhamaadka ee Koobka Horyaallada Yurub oo ka dhacaya Lisbon, kaddib markii cudurka 2 laacib laga helay Covid-19.

Waxaa baaritaanka joogtada ah ee kooxda Simeone kasoo baxday in daafaca Croatia ee Sime Vrsaljko iyo kubad dhisaha Argentinia ee Angel Correa ay cudurka qabaan, tiiyoo aanay muujinin wax astaamo ah.

Kooxda colchoneros ayaa si kastaba ha ahaateen u safartay dalka Portugal, iyadoo ay laakiin safka ka maqan yihiin labada laacib ee aanu soo sheegnay.

Arrintan ayaa cabsi gelinaysa kooxaha kale ee ay la ciyaarayso Atletico, maadaama ay cudurka sidi karaan laacibiin aan weli baaritaanka lagu ogaan karin, maadaama uu mararka qaar cudurku gadaal kasoo boxo.

Hadalsame Media

Facebook Comments