3 arrimood oo uu wajihi doono RW cusub ee lasoo magacaabo & natiijada ka dhalan karta

0

(Hadalsame) 10 Agoosto 2020 – Waxaa madlan Shirka Dhuusamareeb 3 balse weli ma kala cadda inuu ku qabsoomi doono waqtiga loo qabtay, maadaama aaney weli muuqan wax diyaar garow ah, sidoo kalena aan weli la magacaabin RW cusub.

Si kastaba se waxaa la filayaa in is mari waaga socdaa uu ku dhamaado 3-dan senaariyo midkood:

1 – Haddii ay kooxaha is diiddan ee ku wada jira Golaha Shacabku ay kalsoonida u diidaan RW cusub, waxay taasi si otomaatig ah u dhamaynaysaa muddo xileedka xukuumadda iyo labada aqal, sida ku qoran Qodobka 67-aad ee Dastuurka KMG ah ee Somalia oo qaba:

Qodobka 67aad. Kala-dirista Golaha Shacabka Lama kala diri karo Golaha Shacabka ka hor dhammaadka muddadiisa afarta sano ah marka laga reebo haddii uu Goluhu awoodi waayo in uu ansixiyo golaha wasiirrada iyo barnaamijka Dawlada sida ku xusan qodobka 100aad (c) ee dastuurkan.

Waa arrin ay aad u adag tahay dhicisteedu, balse mustaxiil ma aha, waana dariiqa qura ee si dabiici ah loogu dirqin karo in doorasho la aado.

2 – RW cusub ayaa la meel mariyey, wuxuuna deeto doorasho ama xulasho la isku waafaqsan yahay isna dadban kala xaajoonayaa madaxda maamullada, si ka yara roon sidii dhacday 2016-kii.

Maamullada ayaa arrintan u adeegsanaya qaab aanu u imanin muddo kororsi, iyagoo ka shaqaynaya danohooda gaarka ah sida tusaale Axmed Madoobe oo doonaya in loo tiimbareeyo Madaxwaynenimada uu khasabka ku yahay laguna wareejiyo gobolka Gedo si looga gato daacadnimadiisa, balse maanka ku haya in haddii ay wax fashilmaan aan iyaga la eedi doonin, balse cannaantu qabsanayso Villa Somalia.

3 – Golaha Shacabka ayaa ansixiyey RW cusub kaddibna waxay ku raaceen in iyada oo aan la samaynin muddo kororsi 2 sanadood ah misna la qabto doorasho ”qof iyo cod ah”, taasoo ka duwan waxa ay doonayso Madaxtooyadu, waxay maamullada siinaysaa fursad ay doorashada ama xulashada kula maamulaan DF.

Si kastaba waxaa adag in la gaari karo xeer jajab siyaasadeed oo wada guulaysi ah, iyadoo la dareensan yahay in ay qolo kasta ciyaarayso kubad dhagax aan midna kan kale waxba u ogolayn balse uu tiisa uun eeganayo (zero-sum game).

Si kastaba, waxaa dhinacyada oo dhan oo ay Madaxtooyadu ugu horreeyso saaran inay fahmaan qarada arrintan, oo halkii ay arrimo kale ku mashquuli lahaayeen ay ka fikiraan sidii ay u reebi lahaayeen dhaxal loo aayo, isla markaana aaney dhibaato iyo khilaaf hor lihi u imananin.

Tifaftirka

Hadalsame Media