KASHIFAAD: Maraykanka oo ogaadey kana xumaaday qorshe qarsoodi ah oo ay isla maleegeen MW Ruushka & MBS (Dokumenti la helay)

0

(Riyaad) 09 Agoosto 2020 – Dhaxalsuge Muhammed Bin Salman ayaa sida haatan soo baxaysa ku dhiirri geliyey MW Ruushanka ee Vladimir Putin inuu soo farageliyo dalka Suuriya, sida ku cad dokumentiyo rasmi ah oo uu hayo madaxii hore ee sirdoonka Sucuudiga.

Sida ku cad dacwo uu ninkaasi u gudbiyey maxkamad ku taalla Maraykanka, wuxuu Saad Al-Jabri inuu laftiisu goobjoog u ahaa ugu yaraan laba kulan oo rasmi ahaa oo uu la galay Maareeyihii hore ee CIA, John Brennan, 2015-kii.

Kulamadii midkoodii ugu dambeeyey oo qabsoomay bishii Luulyo, waxay labada nin ka wada hadleen xiriir uu MBS la sameeyey MW Putin, taasoo kicisay walaac ku saabsan inuu ku dhiirri geliyey inuu farageliyo Suuriya.

Markii uu Al-Jabri uu MBS u sheegay inuu Brennan arrinta kala hadlay, wuxuu MBS arrintaa uga fal-celiyey “si caro miiran ah” sida ka muuqata dokumentiyada.

Bishii xigtey ee Agoosto 2015-kii, Al-Jabri iyo Brennan ayaa kulan kale yeeshay taasoo uu Al-Jabri madaxa CIA ugu sheegay inuu is casilayo maadaama ay MBS isku khilaafeen dagaalka lagu hoobtay ee Yaman weli ka socda 5 sano kaddib, madaxa CIA ayaana deeto u sheegay inaysan ka maarmi karin.

Ruushka ayaa bishii Sebtembar wuxuu deeto bilaabay inuu ciidan keeno dalka Suuriya si ay u taageeraan kali taliska Dimiqsh ee Bashar Al-Assad, waloow ay kooxihii la dagaallamayey u kala qaybsameen firqooyin halis ah oo ay midkood noqotay kooxda Daacish.

Al-Jabri ayaa hadda dacweeyey MBS oo uu sheegay inuu dilkiisa isku dayey 2 todobaad uun kaddib markii uu qalay Jamaal Khasuuqji.

Maraykanka iyo Sucuudiga ayaan hadda sidii hore iskugu fiicnayn arrimo badan oo ay tani ku jirto dartood.

Hadalsame Media