Itoobiya oo fulinaysa qorshe horay loola dejiyey oo ka dhan ah Somalia (Dalal waawayn oo ku taageeraya)

0

(Muqdisho) 09 Agoosto 2020 – Falanqeeye Cabdullaahi Nuur Xaashi oo lafa-gura arrimaha siyaasadda ayaa ka dayriyey aayaha saldhig la hadal hayo in laga dhisayo dhulka ay Itoobiya maamusho ee Soomaalida, kaasoo ay horay dad badani uga shakiyeen.

Cabdullahi Nuur oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa tilmaamay in hadal haynta saldhiggani aanu ahayn mid cusub oo uu soo jiitamayey tan iyo muddo xileedkii Xasan Sheekh, iyadoo uu ujeedku yahay in loo wareejiyo taliska guud ee AMISOM oo haatan ku yaalla magaalada Muqdisho.

UJEEDKA? Wuxuu sheegay in Itoobiya oo istaraatijiyado fog ka leh Somalia ay doonayso inay si dadban meel cidlo ah uga hesho maamulitaanka amaanka Somalia, iyada oo galaangal fiican xitaa markaa u yeelanayso inay koontoroosho dhismaha ciidamada qalabka sida ee Somalia.

Cabdullahi Nuur ayaa intaa raaciyey in uu qorshahani qayb ka yahay istaraatijiyad la dejiyey 1994-kii oo sida uu yiri lagu doonayo in markasta Somalia noqoto dal awood ahaan ka hooseeya Itoobiya, taasoo ah aragti ay difaacayaan quwado waawayn waxaana saldhiggan 13 milyan oo doollar dhismihiisa ku bixinaya Maraykanka, waana sababta loo dhisay wax lagu sheegay gobollo federaal ah oo hor taagan qarannimada Somalia, balse aan Itoobiya waxba ka qaadi karin ama aanba diyaar u ahayn inay iyada caqabad ku noqdaan kuna noqon karin.

Itoobiya ayaa Jimcihii sheegtay inuusan jirin dal ku yaalla Gobolka Bariga Afrika oo xarun siin kara dal kasoo horjeeda danaha Itoobiya mar ay ka hadlaysey saldhig la sheegay in Masar laga siinayo Somaliland, taasoo muujinaysa inay Itoobiya gaartey heer ay la bareerto (assertive) in ay tahay diiqa lagama daba hadlaanka ah ee gobolka.

Cabdullahi ayaa siyaasiyiinta Soomaalida hor boodaysa xusuusiyey inay la yimaadaan siyaasad ka fog ilaalinta dan sahlan oo gaaban, balse ay la yimaadaan aragti ku dhisaalan hiraal fog iyo hami qaran.

DF Somalia ayaa geleeysa khalad wayn oo istaraatiji ah haddii ay ogolaato in amaanka Somalia la hoos geeyo dal 2-aad, iyadoo ay awalba khalad ahayd in dalalka derisku ay ka mid noqdaan howlgalka AMISOM, in ay iyagu saldhig ku noqdaan waa cusbo lasii marinayo dhaawacii hore.

Hadalsame Media