”Waa khad CAS!” – Itoobiya oo markale ka digtey in Bariga Afrika oo dhan saldhig laga siiyo Masar (Cashar Somalia ugu jira)

0

(Addis Ababa) 08 Luulyo 2020 – Itoobiya ayaa markale soo saartay war cad oo ku saabsan inaysan aqbali doonin in guud ahaanba Bariga Afrika laga sameeyo wax ay wadato Masar oo ka hor imanaya danaha Ethiopia.

Afhayeenka WAD Itoobiya, Dina Mufti, ayaa yiri, “Masar waa dal xor u ah inay saldhig ka samaysato dalkii ay doonto [gobolka]. Balse waa inaysan taasi wax u dhimin xasilloonida Itoobiya.” ayuu yiri.

Warkan ayaa soo baxay kaddib markii ay dabayaaqadii Luulyo ay wefdi Masar ka socda la kulmeen  MW Muuse Biixi oo xukuma Somaliland oo sharciyan ah gobol ka tirsan Somalia, kaasoo la sheegay in loo bandhigay in uu saldhig ciidan siiyo dalka Masar.

Itoobiya oo ay Masar isku haystaan biyoxireenka Niilka Buluugga ah ayaa deeto sheegtay inay arrintan si dhow isha ugu hayso, iyagoo diiddan gobolka oo dhan oo ay ku yaallaan dalal dhisan sida Kenya, Uganda, Sudan iwm.

“Taasi waa noo khad cas annaga,” ayuu yiri afahyeenka oo sheegay inuu doonayo inuu xiriir wanaagsan la yeesho Somaliland, tiiyoo uu sheegay inaysan maqaam ahaan dowlad madax bannaan ahayn.

Masar iyo Itoobiya ayaa u muuqda inay ka wada faa’iidaysanayaan qaybsanaanta Somalia, iyadoo ay Masar arrintan ku xuuxinaysey DF Somalia, balse caadiyan aysan lahayn awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay xilligan saldhig ciidan halkaa uga samayso, halka ay Itoobiya doonayso inay Somalia ku hayso marxaladda hadda si ay weligeed ugu humbaallayso, sida hadda muuqata.

Hadalsame Media

Facebook Comments