Wargayska ugu wayn gobolka Minnesota oo ka HIILLIYEY Ilhaan Cumar (Sababta & wargays kale oo Ilhaan taageeray)

0

(Minneapolis) 07 Agoosto 2020 – Warqaadka ugu wayn gobolka Minnesota ayaa si cad u taageeray ninka Ilhaan Cumar ku haysta Degmada 5-aad ee gobolkaas ee Antone Melton-Meaux, kaddib markii uu tifaftirka wargaysku guddoonsadey in ay isaga taageeraan.

Guddiga Tifaftirka (editorial board) ayaa ku marmarsooday inay go’aankan u qaateen in Melton-Meaux uu dookhyo waaqici ah usoo bandhigayo codeeyeyaasha.

“Melton-Meaux wuxuu tartanka kusoo kordhiyey aragti ah inuu gacan ka gaysto xallinta khilaafaadka jira oo horay loo socdo isagoo u adeegaya Degmada 5-aad waana midda aadka loogu baahan yahay hadda, halka ay Ilhaan doonayso inay jabhad ama dhaqdhaqaaq samayso,” ayay soo qoreen.

Yeelkeede, waloow uu Melton-Meaux si cad u taageeray Star Tribune, llhaan ayaa iyana waxay taageero ka heleysaa Insight News, oo ah wargays aan midka hore gaarin, balse ay leeyihiin dadka Afrikaan Maraykanka ah ee magaalooyinka mataanaha ah.

Ilhaan waa haweenaydii ugu horreeysey ee madow ah ee abid Koongarayska ku metesha gobolka Minnesota, waxayna cadaadis ka wajahaysaa kooxo ay ka mid yihiin kuwa maxaafidka ah.

Hadalsame Media