Turkiga diyaariyey wershad casri ah oo soo saaraysa dayuuradaha jiilka 5-aad ee TF-X + Sawirro

0

(Ankara) 07 Agoosto 2020 – Wershad cusub oo ay leedahay hay’adda Cirka iyo Hawada Sare Turkiga ee TUSAŞ ayaa la dhisay, taasoo farsamayn doonta dayuuradaha jiilka 5-aad ee TF-X Fighter Jet.

Waxaa wershaddan oo ay ka shaqaynayaan 3000 oo injineer ay ku fadhidaa dhul gaaraya 63,000 oo mitir oo jibbaaran, waxayna leedahay farsamooyinka ugu casrisan sida daabacaha 3D iyo Titanium alloy oo muhim u ah farsamooyinka casriga ah ee matoorrada dayuuradaha, sida uu sheegay Temel Kotil, oo ah Maareeyaha Guud ee TUSAŞ, oo u warramay Milliyet.

Ankara ayaa u muuqata mid karraarinaysa barnaamijka ay ku samaysanayso dayuuradaha guuxooda ka dheereeya oo maxalli ah kaddib markii laga saaray barnaamijka F-35 kaddib muran ka dhashay iibsigeeda gantaalaha S-400.

Bishii Febraayo, MW Recep Tayyip Erdogan ayaa dhismaha TF-X ku sheegay “jawaabta ugu wanaagsan ee la siinayo kuwa Turkiga ka joojiyey barnaamijka F-35.”

Hadalsame Media