Muslimiinta Itoobiya oo guul cusub ku tillaabsaday (Maxaa dhacay?)

0

(Addis Ababa) 07 Agoosto 2020 – Muftiga sare ee Itoobbiya ahna madaxa Golaha Sare ee Arrimaha Muslinka Itoobbiya, Sheekh Xaaji Cumar Idriis, ayaa waxaa uu ammaanay guulaha sannadkan u soo hoyday dadka reer Itoobbiya guud ahaan iyo gaar ahaan Muslinka dalkiisa.

Wax uu bogaadiyay dhammaynta biyaxidheenka weyn. Wax uu kale oo aad u ammaanay in baarlammaanku sharciyeeyay Golaha Sare ee Arrimaha Muslinka oo noqonaya hay’ad madaxbannaan oo Addis Ababa ku yeelanaya xarun aad u weyn.

Hay’addan cusubi waa ay ka madaxbannaan tahay faragalinta dawladda, xidhiidh bay la yeelan kartaa dunida, wax ay soo saari kartaa sharciyo u dan ah muslinka Itoobbiya, isla markaa wax ay yeelan doontaa ururro hoos yimaadda.

Muftigu wax uu sheegay in dawladdu Hay’addan cusub siisay dhul xarun loo ga dhisi doono oo ku qabsan dhismaha xarunta Midowga Afrika kaas oo gaadhaya 30 kun oo mitir oo wareeg ah, oo noqon doona xarunta Afrika oo dhan u gu weyn.

Tani wax ay dhacaysaa kaddib muslinka Itoobbiya oo in ka badan hal qarni masiixiga tirada yari madaxa ka garaacayeen. Hambalyo waaga cusub ee u beryay dadka Itoobbiya.

Waxaa Diyaariyey: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media