”Maraykanku waa munaafaq!” – Masar oo sheegtay inay doonayso hub u dhigma midka Israel (Miigag duqayn kara meelo fog oo u dalban)

0

(Qaahira) 07 Agoosto 2020 – Xilli ay Masar soo iibsanayso dayuuradaha casriga ah ee Su-35 ee Ruush sameega ah, Masar ayaa sheegtay in ujeedku yahay inay hesho hub u dhigma midka ay haysato Israel, sida uu sheegayo madaxii hore ee Arrimaha Sirdoonka Masar, sidoo kalena ah caalim Daraasaadka Istaraatijiga ah ka dhiga Akadamiyaha Ciidanka ee Naasir.

“Muxuu Maraykanku F-35 ugu diidey Masar isaga oo siiyey Israel, maadaama uu u diiddan yahay inay Ruushka kasoo qaadato Su-35?” ayuu is waydiiyey Sarreeye Guud Nasr Salem oo la hadlay maalinlaha AlMonitor.

Warqaadka Ruushanka ah ee Kommersant ayaa markii ugu horreeysey weriyey inay Masar qandaraas ay ku gadanayso Su-35 gashay bishii Maarso 2019-kii; wuxuu qoray in ay Qaahira heleeyso 24 xabbo oo ku kacaya $2 bilyan oo doollar.

Wuxuu intaa raaciyey in dufcadda 1-aad ee dayuuraduhu ay imanayso 2020-2021, balse Ruushka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin tirada iyo sicirka intaba.

“Dayuuradaha Sukhoi waa xoog cireed cusub oo kusoo biiray cududda ciidamada cirka Masar oo gobolka haliso badan ka wajahaysa,” ayuu yiri Jeneraal Hamdi Bakhit, oo xubin ka ah Guddiga Gaashaandhigga iyo Amaanka Qaranka ee Baarlamanka dalkaasi oo la hadlay Al-Monitor.

“Amaanka Masar ayaa wax kasta ka muhiimsan, xitaa haddii ay taasi ka dhigan tahay iibsiga Su-35. Maraykanka oo Israel siiya noocii ugu dambeeyey oo ah F-35 wuxuu munaafaqnimo kula dhaqmayaa Masar oo uu cunaqabatayn ugu gooddinayo,” ayuu yiri Bakhit.

Jeneraalka ayaa xusay arrin shaki dhalisay kaddib markii uu sheegay in muuqaallada Su-35 ay ka mid tahay inay ku fiican tahay weeraridda bartilmaameedyada fog, gaar ahaan dhismayaasha shubka ah sida qalcadaha iyo dhabbayaasha dayuuradaha ee garoomaha.

Waxaa sidoo kale shub adag ka samaysan biya-xireennada, iyadoo ay Masar iyo Itoobiya arrintaa isku haystaan, tiiyoo uu yahay bartilmaameed fog oo ah kelmad kale oo micne samaynaysa.

Marka la fasiro siyaasad dibadeedka istaraatijiga ah ee Maraykanka ee ku wajahan Masar, waxay u dhisaalan tahay qaab Masar loogu haynayo meeraha Maraykanka iyada oo la hubinayo inaysan istaraatiji ahaan ka xoog badanin Israel, maadaama ay leedahay ciidanka ugu tirada badan dal kasta oo Carbeed.

F-35
Su-35
Su-35

Hadalsame Media