RASMI: AS Roma oo laga iibiyey ganacsade Maraykan ah (Shuruud ku xiran)

0

(Roma) 06 Agoosto 2020 – Kooxda AS Roma ayaa waxaa si rasmi ah ula waxaa looga iibiyey Friedkin Group kuwaasoo saxiixay heshiis ay ugala wareegayaan badrooniga haatan ee James Pallotta.

“Waxaan ku faraxsan ahay inaan heshiis la gaarey The Friedkin Group oo iibsanaya AS Roma,” ayuu Pallotta oo laftiisu Talyaani Maraykan ah ku yiri war lagu qoray webka rasmiga ah ee Roma, isagoo sheegay in maalmaha yar ee soo aaddan la dhamaytirayo inta ka harsan heshiiskan.

Waxaa lagu wadaa in Roma lagu iibsanayo €591m oo euro, iyadoo wax kasta la dhamaynayo kahor dhamaadka bishan Agoosto.

Yeelkeede, haddii ay taasi dhici waydo waxay AS Roma SPV iyo Friedkin xaq u leeyihiin inay heshiiska kansalaan iyaga oo aan bixinin wax lacag ah, waxaana waqtiga taa lagu ballamay ay tahay Agoosto 31, 2020-ka.

attends the premiere of Sony Pictures Entertainment’s “All The Money In The World” at Samuel Goldwyn Theater on December 18, 2017 in Beverly Hills, California.

Hadalsame Media