DHEGEYSO: Haweenay todobaadkii 2-aad Hargaysa ugu xiran calanka Somalia dartii & farriin dhega adayg ah oo ay soo dirtay.

0

(Hargaysa) 06 Agoosto 2020 – Marwo Deggan Miiraash oo ah hooyo Soomaaliyeed oo dhashay afar caruur ah ayaa lagu soow warramayaa inay todobaadkii labaad ku xabisan tahay Saldhiga Dhexe ee magaalada Hargeysa.

Haweenaydan ayaa waxaa loo haystaa in ay qolkeeda hurdada ee gurigeeda ku sharraxatay sawirro muujinaa calanka Soomaaliya.

Marwo Miiraash ayaa deeto sawirro ay ka qaaday waxay ku sii faafisay baraha bulshada.

Marwadan oo muuqaal kasoo dhex duubtay jeelka ay ku xiran tahay waxay ku sheegtay inay gurigeeda ”ugu soo daateen Ciidamada RRU-da” waxayna ballan qaadday inay markasta ku celcelin doonto ”Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya horay ha u socoto!”, taasoo ay ku tilmaantay mabda’ ay shakhsiyan aaminsan tahay oo aan cidina xoog uga goyn karin.

Caadiyan wixii uu gurigiisa qofku ku samaynayo isaga ayaa xor u ah marka la eego xeerarka madaniga ah ee lagaga dhaqmo dunida dimoqraadiga ah, iyadoo aan la garanayn jahawareer siyaasadeedna lagu tilmaamay sababta ay dembi u tahay in la qaato calanka Somalia, xitaa haddii ay Somaliland maamul ahaan doonayso inay ka go’do Somalia.

Maamulka Somaliland oo sheega inuu yahay mid dimoqraadi ah, balse sanadihii dambe aad u caburinayey xorriyada ismuujinta, ayaa haweenaydan ku haysta inay tahay ”qaran dumis.”

Hadalsame Media