Golaha Wasiirrada DF Somalia oo isku khilaafsan arrin u dan ah dalka Kenya

0

(Muqdisho) 06 Agoosto 2020 – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada DF Somalia ee xil-gaarsiinta ah ay doonayaan in dib loo fasoxo jaadka.

Wasiirradan oo gaaraya ilaa 12 xubnood ayaa la sheegayaa inay olole ugu jiraan in Somalia loo furo Jaadka Miiroowga ah ee dalka Kenya oo xirnaa tan iyo Maarso.

Waxay wasiirradani xitaa ku guulaysteen in dooddani ka mid noqoto ajendayaasha la qaadaa dhigayo, iyagoo ku doodaya inay DF dakhli fara badan ka hesho canshuurta Jaadka oo ay soo jeediyeen in markale la kordhin karo, haddii loo baahdo.

Yeelkeede, Wasiirrada aragtidan khikaafsan ayaa ku doodaya in ay arrintani culays u yeelayso DF Somalia maadaama ay qaylinayaan ganacstada Kenya in ka badan tan Soomaalida, in Kenya aysan Somalia kusoo darin liiska dalalka ay fasaxday iyo in aanay bulsho ahaan dani ku jirin Jaadka.

Arrintan ayaa la sheegayaa inay dabada ka riixayaan qaar ka mid ah dadka ay u ijaaran yihiin dayuuradaha Jaadka iyo Jaadku usoo dego ee loo yaqaan oodharleeyda oo 6 ka badan; kuwaasoo lacago ku bixinaya in jaadka la fasaxo.

Ku Simaha Wasaaradda Maaliyadda DF, Dr Cabdiraxmaan Beyleh ayaa lagu warramayaa inay habeen hore la kulmeen qaar ka mid ah ganacsatada, taasoo keentay inuu kiisku gaaro Golaha Wasiirrada.

Ganacsatada Kenya ayaa mudaba cadaadis ku hayey inuu Kenyatta kala hadlo DF Somalia, iyagoo sheegay inay khasaareen malaayiin doollar, lamana oga inuu jiro xiriir hoose iyo in kale.

Dad badan ayaa gef qaran u arka in la fasaxo Jaadka Kenya, tiiyoo aysan Kenya xitaa fasixin duullimaadyada caalamiga ah, isla markaana ay marar badan isku dayday inay sharci darro kusoo gasho hawada Somalia.

Hadalsame Media