”Soomaalidu waa dad idinka xadaarad badan!” – Weriye Yamani ah oo kabaha la dul maray nin Sucuudi ah oo Soomaalida ku jeesjeesay! (Daawo)

0

(London) 05 Agoosto 2020 – Nin sheegtay inuu siyaasadda falanqeeyo oo u dhashay Sucuudiga ayaa si xun ugu jees jeesay Soomaalida, isagoo xitaa gaarey inuu Qadar ku sheego dal aan dhalashadiisu micne lahayn, isagoo ula jeeda inay 5,000 oo Soomaali ah dhalasho siiyeen si ay Libya uga dagaallamaan, taasoo ah war kale oo been abuur ah.

Yeelkeede, waxaa isna ka daba qaatay weriye Yamani ah oo lagu magacaabo Ascad Sharcii, kaas oo si aan caadi ahayn Soomaalida uga difaacey ninkaa Sucuudiyaan ah oo ku jeesjeesay kuna tilmaamay ”xaabo” loo adeegsanayo dagaallada gobollada iyagoo ”calooshood u shaqaystayaal ah!”

”Dhalashada Qadar waxaa la siiyey 5,000 oo Soomaali ah, yaa argagixiso ah yaa jaahil ah la isma waydiin, yacni dhalashada Qadar waxay iska noqotay wax bilaash ah oo aan qiime lahayn.” ayuu yiri ninka Sucuudiga ah, taasoo keentay inuu weriyihii ku yiraahdo ”war ixtiraam Soomaalida.”

Weriyahan Yamaniga ah ayaa ninka Sucuudiga ah oo ku dooday in lagu tuntan xuquuqul insaanka ayaa horta xusuusiyey inaysan Sucuudiga ka jirin wax la yiraahdo xuquuq insaan, isagoo sheegay in shacabku ay haystaan xuquuq la mid ah midda ”xayawaanka”, sida uu yiri, taasoo ah inay wax cunaan, cabaan, seexdaan oo ciyaaraan, balse aanay si xor ah fikirkooda u dhiiban karin ama u hadli karin.

Weriyaha ayaa beeniyey inay Soomaali ka dagaallamaan gudaha Libya, isagoo sheegay inay qarinayaan Janwadiidka, Jaadka, Colombian-ka iyo Suudaaniyiinta.

Wuxuu sheegay in Soomaalidu ay tahay dad leh hayb, jiritaan fog, taariikh, xadaarad iyo dhul ay u nisbo sheegtaan, si ka duwan Sucuudiga oo ah magac qoys, halka ay Soomaalidu yihiin dad caqli iyo karti badan oo ka dhex muuqda meelaha ay caalamka ka joogaan, isagoo sheegay in uu qaar badan ku arkay UK.

Wuxuu kaloo soo qaatay Ilhaan Cumar oo uu sheegay inay Xijaab la gashay Koongarayska Maraykanka oo ay halkaa uga doodda Muslimiinta iyo Carabta in ka badan MBS ama Sucuudi kasta.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media