Kenya oo ka walaacsan ”nasiib darro” ku haysata Somalia & war ay kasoo saartay

0
Kenya Defence Forces (KDF) soldiers, the first batch of the troops who had served in the U.N. peacekeeping mission in South Sudan, arrive at the Jomo Kenyatta international airport in Nairobi Kenya, November 9, 2016, after withdrawing in response to the sacking of their Kenyan commander of the UNMISS force following a U.N. inquiry. REUTERS/Thomas Mukoya

(Nairobi) 05 Agoosto 2020 – Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay bilaabayaan baaris ku aaddan duruufta keentay inay koonfurta Somalia ku burburto dayuurad ciidan, halkaasoo ay ku dhaawacmeen 10 askarteeda ka tirsan.

Zipporah Kioko, Afhayeenka Xoogga Kenya (KDF) ayaa sheegay inay dayuuraddu ku jirtey howl maalmeed caadi ah markii ay iyada oo cilladaysan deg deg ugu degtey Garoonka Dhoobleey.

“Dhamaan 10-ka qof ee saarnaa waxay yaallaan Isbitaalka Ciidamada ee Defense Forces Memorial Hospital ee Nairobi xaalkooduna waa deggan yahay,” ayuu yiri Kioko oo ka hadlayey Nairobi, isagoo sheegay in la agaasimey koox arrinta soo baaraysa.

Yeelkeede, warar Somalia ka imanaya ayaa sheegaya in dhaawacyada qaar loo qaaday Isbitaalka wayn ee AMISOM ee magaalada Muqdisho, sida lagu qoray saxaafadda.

Dayuuradda burburtay oo helakabtar ahayd ayaa kasoo noqotay safar ay sahay ugu gaysey ciidamo KDF ka jooga gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta fog ee Somalia.

Kenya oo 4,000 ku leh ciidamada AMISOM ayaa la yaabban nasiib xumadan daba kacday, iyadoo ay tani noqonayso shilkii 3-aad kaddib dayuuradihii ku kala dhacay Berdaale iyo Beledwayne oo ay ugu dambeysey middii 5Y-VVU, ee u kiraysnayd Bluebird Aviation, oo dhacday 14-kii Luulyo.

Kenya ayaa horay baaritaanno ugu waddey shilalkaa hore.

Hadalsame Media