Taiwan oo jawaab aan la filayn ka bixisay warka sheegaya inay ”aqoonsi” ka heleeyso Somaliland

0
(Taipei) 04 Agoosto 2020 – Wasaarad Dibadeedka Taiwan (MOFA) ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho war sheegaya inay Somaliland doonayso inay is aqoonsadaan Taiwan, kaasoo lagu qoray Somaliland Chronicle.
“WAD kama hadli doonto wararka saxaafadda Somaliland ee xiganaya ilo aan magacownayn,” ayay tiri afhayeennadda WAD  Joanne Ou (歐江安) oo hadashay.
Ou ayaa intaa raacisay in WAD iyo hay’aadka Somaliland oo ay ku jirto midda Arrimaha Dibeddu ay wadaan wada hadal ku saabsan inay wakiillo is dhaafsadaan iskana kaashadaan qorshayaan faa’iido u leh labada dhinac oo rogaal ah.

Waxay ka hadleysey war lagu qoray Somaliland Chronicle oo xiganaya ilo is qarinaya ayaa sheegay in Biixi uu amray in loo kuurgalo xeer uu dhowaan meel mariyey Koongarayska Maraykanka (TAIPEI Act), isla markaana ay eegaan faa’iidada iyo khasaaraha ku jira aqoonsi hal dhinac ah oo ay siiyaan Taiwan.

WAA MAXAY TAIPEI ACT? Shiinaha ayaa si hujuumi ah ula dhaqma dalalka isku daya inay aqoonsadaan ama galaangal la yeeshaan Taiwan, balse Maraykanka ayaa 26-kii Maarso 2020 wuxuu meel mariyey xeerka ilaalinta dalalka saaxiibka la ah Taiwan ee TAIPEI Act.

Weliba qaybta 3-aad ee TAIPEI Act ayaa si cad u dhiirri gelinaya in xiriir diblomaasiyadeed lala yeesho Taiwan iyo in laga hor tago dalalka iyo ficillada wiiqaya.

Lama oga sababta aysan Taiwan u sheegin mowqifka ay ka taagan tahay arrinta is aqoonsiga laba nidaam oo aanu midkoodna haysanin aqoonsi caalami ah, iyadoo la dareensan yahay in aqoonsiga Somaliland aanu Taiwan usoo kordhin karin in ka badan inta hadda ka dhaxaysa, si kastaba.

Hadalsame Media